Shabaab oo ku guuldaraystay weerar ay ku qaadeen saldhig ciidamada Somalia ku leeyihiin Garbahaarey

alshabab somalia

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xoogga dalka oo ku sugnaay saldhiga la weeraray ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar gaadmo ah oo ay kusoo qaadeen Al-Shabaab, waxaana labada dhinac dhex maray dagaal muddo socday.

Al-Shabaab ayaa dib ugu laabtay goobihii ay kasoo weerar tageen oo sidaas aan uga fogeyn magaalada kaddib markii looga awood roonaaday dagaalka oo ay rabeen in ay ku qabsadaan saldhigga, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamadii lagu weeraray saldhigga ayaa soo bandhigay meydka labo ka mid ah dagaalamayaashii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday saldhigga magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Al-Shabaab wali kama hadlin weerarka ay ku qaadeen Garbahaarey ee ciidamada dowladdu ay sheegeen in ay uga dileen ilaa labo dagaalyahan hubna ay kaga furteen.

Al-Shabaab ayaa masaafo ka yar 25-KM u jira magaalada xarunta u ah gobolkaas, waxayna weerarro ka geystaan deeganada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here