Shabaab oo soo afduubtay muwaadiniin Kenyan ah

alshabab somalia

Booliska magaalada Gaarisa ayaa bilaabay baaritaan ay ku raadinayaan labo ruux oo la rumeysan yahay in ay afduub u geysteen rag loo maleynayo Al-Shabaab.

Labada Nin ee la afduubtay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Abdulahi Isaack Harun iyo Abdi Hassan Ilkaase.

Booliisku waxay sheegeen in labada nin ay doonyo ku aadeen Liboi laakiin markii ay soo gaareen Wardeglo Dam ay weerar ku soo qaadeen rag loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana waxaa la sheegay in loo soo ka xeeyay Soomaaliya.

Arintan ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa kadib markii dhawaan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen  dad la sheegay inay Kenyan ahaayeen, kuwaasi oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Harbuul oo qiyaastii 53 KM ujira Magaalada Gaariga, waxaana halkaas ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaasi.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa dhawaan weerar ka fuliyay deegaanka Kutulo oo hoostaga Wajeer ku dishay Saraakiil ka tirsan Kenya, kuwaasi oo socdaal ku marayay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here