Shacabka G Sool, Sanaag iyo Cayn oo ka soo horjeestay shirkii DF Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti

Banaanbax buuhoodle

Guud ahaan shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn (qolqol-joog iyo Qurbejoogba) ayaa si weyn uga soo horjeestay shirkii wadahadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee dalka Jabuuti ka dhacay.

Banaanbaxyo, Waxgarad iyo Siyaasiyiin gudaha iyo dibada ka hadlay ayaa lagu cadeeyey in shirkaasi uu ahaa mid lagu raaligelinayey Beel ka mid ah beelaha Goboladda Waqooyi dega (Isaaq), islamarkaana loogu gefay xuquuqdii, karaamadii iyo masiirkii Beelihii kale ee Gobolada Waqooyi degan.

Shacabka Gobolada SSC waxay cadeeyeen:

  1. In midnimada Soomaaliya ay muqadas tahay.
  2. Inaan shirkii Jabuuti lagu metelin, masiirkoodana maamulka hargeysa loo daba fariisan Karin.
  3. Inaan la oron karin Soomaaliya iyo Somaliland baa wada hadlaya, ayna gef ku tahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, balse ay tahay DF Soomaaliya iyo Somaliland.
  4. In Dowladda federaalku dayacday dadkii midnimada u dagaalamayey, horeyna ugu soo halgamay, iyadoo martay dariiqii xukuumadihii hore mareen mid ka liita.

Shacabka Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn waxay DF iyo Shacabka Soomaaliyeed ka codsadeen:

  1. In la hakiyo wadahadalada iyo deeqaha Somaliland la siiyo inta laga gaarayo nidaam dadka Goboladda Waqooyi ku mideysan yihiin ama ku kala baxeen.
  2. In baaris qoto dheer lagu sameeyo xasuuqii, dilalka qorsheysan, cabudhinta iyo tacadiyada kale ee Somaliland ka geysatay degaamada SSC.
  3. In shacabka Gobolada SSC lagu taageero dagaalka ay kaga soo horjeedaan kala go’ista Soomaaliya, islamarkaana aan wadahadal dambe laysugu imaan ilaa labada dhinac ka cadeynayaan in midnimada Soomaaliya ay muqadas tahay.

Si kastaba Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn waa Goob ciidan, waxaana lagu hayaa cabudhin joogto ah, iyadoo dadka midnimada u soo banaanbaxa loo adeegsado qoryaha lidka diyaaradaha, siyaasiyiintooda suuqa ayaa laga qabsadaa, si fudud ayaan dambe loogu sameyn karaa, sidii ku dhacday XILDHIBAAN DHAKOOL oo isagoo aan nidaam sharciya loo marin suuqa laga qafaashay, mudo dheerna layka haystay, markii la soo daayeyna lagu khasbay in aanu hadlin, aakhirkii loo sameeyey dembiyo been abuur ah iyo dacaayado la mid ah kuwii mudooyinkii ugu dambeeyey muslimiinta loo adeegsan jirtay, kuwaas oo lagu xalaaleysto dhiigooda iyo xoolahooda.

Shacabka SSC ee u taagan midnimada Soomaaliya ayaan Soomaali ka helin hiilkii ay uga baahnaayeen ee waajibka ku ahaa, waxaana had iyo goor la tixgeliyaa dadka kala go’a doonaya.

DAAWO BANAANBAXYADA IYO BAAQYADA GOBOLADA SSC:

Xildhibaan Daauud Bisinle :Dowlada Federaalka Somalia Somaliland ictiraafkii badh ayey siisey.Xildhibaankan ayaa ah siyaasigii ugu horeeyey ee ka hadley arimaha SSC mudadii Xukuumada NN

Slået op af Mowliid Ismail Diged i Fredag den 19. juni 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here