Shacabka Somaliland oo saaka u dareeray goobaha codbixinta

Komishinka Doorashada SL

Shacabka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta, si ay u soo doortaan xildhibaannada golaha wakiillada iyo kuwa deegaanka.

Gudiga doorashooyinka Jamhuuriyada ayaa si rasmi ah dhawaan ugu dhawaaqay tirada guud ee codbixiyaasha.

Waxaana doorashada codkooda dhiiban doonaa dadka gaaraya 1,065,847, kuwaa oo codkooda ka dhiiban doono 2,709 goobood oo loo asteeyay codbixinta.

Musharrixiin gaaraya 246 ayaa u tartamaha golaha wakiillada halka 552 ay u tartamayaan golaha deegaanka.

Doorashadan ayaa noqoneysa tii toddobaad tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Magaalada Hargeysa waxaa ilaa shalay gaaray madax badan oo ka kala socota dalal iyo ururro kala geddisan, si ay ula socdaan habka doorashada ay u dhacayso.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka hadlay diyaargarowga doorashada ayaa sheegay in cid waliba ay ka soo baxday mas’uuliyaddii ka saarnayd doorashada.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale dadweynaha ka codsaday in si nabad ah ay u codeeyaan, wuxuuna dhanka kale sheegay in loo baahan yahay in “si maskax ay ku jirto” ay tahay in loo xalliyo wax kastaa oo khilaaf ah oo ku aaddan natiijada ka soo bixi doonta doorashada.

Sabababo la xiriira safmarka Covid-19, ololaha doorashada ayaa lagu soo koobay muddo lix maalmood ah oo saddexda xisbi ee ku loollamaya doorashadan ay ku soo bandhigayeen cududda taageerayaashooda.

Qeybo ka mid ah magaalada Hargeysa, waxaa saaka lagu arkayay boqolaal qof oo safaf ugu jira goobaha codbixinta, waxaase dadka qaarkood ay BBC-da u sheegeen in aan loo sii sheegin goobihii ay codkooga ka dhiiban lahaayeen.

Codbixinta ayaa inta badan billaabatay toddobadii arroornimo, waxaana mas’uuliyiinta doorashadu ay sheegeen in ay filayaan in doorashadu ay u dhacdo sidii loogu tala galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here