Shacabka Soomaaliyeed oo si weyn uga xumaaday Sarkaal laga dilay ciidanka Haramcad

Ccasiis Axmed mguur haramcad

Waxaa shalay hawlgal shaqo ku dhintay mid ka mid ahaa saraakiisha ugu da’da yar ee ka tirsan ciidanka booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Marxuunka Cabdicasiis Axmed Maalin Guur ayaa shacabka Soomaaliyeed aad uga xumaadeen kadib markii ay ogaadeen inay dileen koox Macawisley ah oo dadka ku dhibaateyn jiray duleedka Muqdisho.

Baraha Bulshada ee Internetka ayaa la soo dhigay tacsidiisa iyo sida dadku ay uga xun yihiin dilka wiilkan dhalinyarada ah, iyagoo aragtidooda ku muujinayey komenti.

Ciidanka Haramcad waa dhalinyaro si fiican Turkigu u tababaray oo mid kasta qiimo qaaliya wadanka ugu fadhiyo, Hawlgal kasta oo loo diro waxay u fulinayaan sidii loogu talogalay, Sida la xaqiijiyey marxuumka Cabdicasiis ayaa dhowaan lagu dalacsiiyey shaqo wanaag iyo howlkarnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here