Shan caqabadood oo Biden uu ka wajahayo Yurub

Joe Biden-2

Joe Biden waxa uu safarkiisii saddexaad ku tagayaa Yurub isagoo madaxweynaha Mareykanka ah xilli ay taagan tahay xaalad xasarad ah oo caalami ah.Socdaalkiisii ugu dambeeyay ee uu uga qayb galay shirka G20 oo dhacay magaalada Rome iyo shirka isbaddalka Cimilada oo lagu qabtay Glasgow, waxa uu ahaa mid dhowr bilood ka hor lasii qaban qaabiyay.

Kan wuxuu ku yimid qaab deg deg ah.

Dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine ayaa galaya isbuucii afaraad, dhammaadkiisana lama saadaalin karo. Sidaas awgeed waddada hor taalla isbahaysiga Mareykanka iyo Yurub waa mid uu mugdi badan ku hareysan yahay.

Halkan waxaan ku eegeynaa shan arrimood oo ah kuwa walaaca ugu badan uu ka haysto Mr Biden xilli uu maalmaha soo socda la kulmayo hoggaamiyeyaasha Yurub iyo xulafada kale.

Muujinta Midnimada

Tan iyo markii uu Ruushka dagaalka ku qaaday Ukraine, Mareykanku waxa uu dadaallo khaas ah u sameeyay inuu jawaab walba bixiyo isagoo ay la socdaan xulafadiisa. Arrintaas mararka qaar waxay sababeysay in tallaabooyinka qaar la hakiyo – sida noocyo kala duwan oo cunaqabateyn ah iyo gargaarka militeri – ilaa inta ay dhammaan dalalka Nato diyaar u noqonayaan inay tallaabo wada jir ah qaadaan.

Taasi marnaba ma ahayn mid sahlan marka la eego isbahaysiga ka kooban 30-ka xubnood oo xubin kasta laga war sugayo. Balse maalmihii ugu horreeyay ee uu dagaalka billowday waxaa jiray deg deg loo qaadayay tallaabooyinka oo meesha ka saaray caqabadihii dabiiciha ahaa ee wax daahin jiray.

Maadaama uu dagaalku sii socdo – saameynta uu dhaqaalaha ku yeeshayna ay sii xoogeysaneyso – waxaa sii kordhi doonta in isbahaysigu uu isku hadaf noqdo.

Ujeeddada ugu wayn safarka Mr Biden, sidaas awgeed, waa in la arko isagoo garab taagan xulafada Mareykanka, uuna xaqiijiyo in midnimada Nato aysan ahayn mid su’aal ku jirto marka laga jawaabayo ficilka Ruushka.

Xasaradda Qaxootiga

Marka uu hoggaamiyeyaasha kale kula kulmo waddanka Belgium, Mr Biden waxa uu u safri doonaa waddanka Poland oo uu shir labo geesood ah kula yeelan doono madaxweyne Andrzej Duda.

Maadaama waddankan ka tirsan Nato uu ku yaalla cirifa bari ee xiga Ruushka, horayna uu u ahaan jiray saldhigga satellite-ka ee Midowgii Soviet, Mareykanka ayaa mudnaan gaar ah siinayay, waxaana si is daba joog ah u tagayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken iyo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris.

Inkastoo mowduucyada ugu waaweyn ee la isla soo qaadi doono ay ka mid yihiin xoojinta ciidamada Nato ee Poland jooga iyo iyo kaalmada militeri ee la siinayo Ukraine, haddana saraakiisha Mareykanku waxay sheegeen in qodobka ugu weyn ee laga hadli doono uu yahay sidii loola tacaali lahaa qulqulka qaxootiga Ukraine ee kasoo gudbaya xadka Poland tan iyo markii uu dagaalka billowday.

Xannaaneynta iyo qaabilidda malaayiin qaxooti ah waxay culeys dhaqaale ku keentay Poland, haddii aan si deg deg ah wax looga qabaninna, waxay sababi kartaa xasarad bulsho iyo xasilooni darro dhaqaale.

Maadaama ay Poland muhiim u tahay dhul ahaan marka ay timaaddo dagaal lala galo Ruushka, in la xaqiijiyo sidii uu waddankan u ahaan lahaa xubin ka tirsan Nato oo la isku halleeyo ayaa Mareykanka ku ah arrin uu walaaceeda cadaadis ku hayo.

Xalka militeri

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, Mareykanka iyo xulafadiisa waxay jidka u fureen in gargaar militeri la siiyo ciidamada labisan ee Ukraine iyo xoogagga ka kooban dadweynaha is xilqaamay, kuwaas oo iska caabin kala hor tagay Ruushka.

Hase yeeshee, sida uu Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ku caddeeyay khudbado uu u jeediyay baarlamaannada Yurub iyo waqooyiga Ameerika, kaalmadaas ma aha mid wali ku filan.

Waxa uu sheegay in Ukraine ay u baahan tahay hub dheeri ah oo nooca difaaca hawada ah iyo sidoo kale diyaarado dagaal oo awood u yeesha “in ay dabxir ka sameeyaan cirka” si ay u baacsadaan diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.

Inkastoo Mareykanku uu ballan qaaday inuu Ukraine siin doono gantaallada riddada dheer ee difaaca hawada, haddana taas waa mid ay fududdahay in afka laga dhaho oo keliya, balse ay adag tahay fulinteeda.

Geeddi socodka cunaqabateynnada

Mareykanka iyo xulafadiisu waxay wacad ku mareen in ay Ruushka kusoo rogi doonaan cunaqabateynno adag oo dhanka dhaqaalaha ah haddii uu Ukraine weerar ku qaado. Markii uu dagaalka billowday isla sidaas ayay sameeyeen gaashaan buurtu.

Dhaqaalaha Ruushka, suuqyadiisa saamiyada iyo qiimaha lacagtiisa waxaa dhammaan saameyn ku sheegay ciqaabta cunaqabateynta, oo ay ka mid yihiin xayiraado dhanka ganacsiyada ah, takoorid dhaqaale iyo xaddidadada tamarta uu u dhoofiyo dibadda.

Balse si kasta oo ay cunaqabateynnada u xanuun kulul yihiin wali ma aysan sababin in Ruushka uu joojiyo weerarkiisa.

Walow ay xulafada Reer Galbeedku aaminsan yihiin in muddo kaddib ay ciqaabta gaari doonto heer aad u xanuun badan, haddana waxaa hoggaamiyeyaasha Mareykanka iyo Yurub cadaadis lagu saarayaa in ay helaan waddooyin kale oo ay ku ciqaabaan Ruushka, kuwaasoo ay ku dhawaaqi karaan inta uu Mr Biden isbuucan ku sugan yahay shirka.

Su’aasha ku saabsan Shiinaha

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Vladimir Putin ayaa kulan diirran ku yeeshay magaalada Beijing intii ay socdeen ciyaaraha Olympics-ka bishii February, halkaas oo ay ku sheegeen in saaxiibtinnimada ka dhaxeysa labadadooda dal ay tahay mid aan “xad lahayn”.

Haddii ay taasi ka dhigan tahay in Shiinaha uu bilaha soo socda kaalmo dhaqaale iyo mid militeriba siiyo Ruushka, waxaa hal bacaad lagu lisay noqon kara dadaallada ay Mareykanka iyo xulafadiisa Yurub ku doonayaan inay garab ku siiyaan Ukraine.

Isbuucii lasoo dhaafay, La-taliyaha amniga qaran ee madaxweynaha Mareykanka, Jake Sullivan, ayaa magaalada Rome kula kulmay dhiggiisa waddanka Shiinaha. Waxaa daba socday wada hadal khadka telefoonka ku dhex maray Mr Biden iyo hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping, kaasoo socday ku dhawaad labo saacadood.

Hase yeeshee, halkan xitaa Mareykanku kaligiis go’aan kama gaari karo.

Mareykanka iyo Yurub labaduba waxay ku khasban yihiin in ay si wadajir ah ugu istaagaan si ay Shiinaha uga dhaadhiciyaan inuu ka fogaado Ruushka.

Si la mid ah Mareykanka, Yurub xitaa Shiinaha ayaa u ah suuqa ugu wayn – hanjabaadda ay Mareykanka iyo Yurub u jeedinayaan in ay cunaqabateyn saari doonaan Shiinaha haddii uu si furan u taageero Ruushkana waxay durbaba sii saameyneysaa dhaqaalaha Shiinaha. Balse in waqti xaadirkan Shiinaha iyo Ruushka ay xero la iskula xareeyo waa tallaabo khatarteeda leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here