Shan waxyaabood oo uu caan ku yahay gobolka ay dirirtu ka socoto ee Tigray

ethiopia map

Colaadda Gobolka tigray ayaa gashay Toddobaadkii Saddexaad iyadoo uu dagaalka horseeday khasaare naf iyo maalba leh. Gulufkaan oo u dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Itoobiya iyo xoogagga TPLF ayaa waxaa ku barakacay kummanaan shacab ah, kuwaasi haatan gaaray dalkaasi Suudaan.

Haddaba muxuu gobolkan caan ku yahay?

1. Boqortooyadii Aksum ayaa waxaa xudun u ahaa gobolkan. 

Waxaa lagu sifeeyey mid ka mid ah ilbaxnimooyinkii ugu waaweynaa ee horay u soo maray dunida. waxay mar ahayd dowladdii ugu xoogga badneyd ee u dhexaysay boqortooyooyinkii Roomaanka iyo Beershiya.

Ruins of the palace of the Queen of Sheba near Axum, Aksum, Dongur Palace
Qoraalka sawirka,Aksum is believed to have been the home of the biblical Queen of Sheba

2. Burburka magaalada Aksum haatan waa goob UN Heritage ay leedahay. 

Goobta, oo ka bilaabmaysa inta udhaxeysa Qarnigii 1aad iyo kii 13aad ee AD, waxaa ku yaal dhismayaal waaweyn, qalcado, qabriyo boqortooyo iyo kaniisad.

3. Inta badan dadka ku dhaqan gobolka Tigray waa masiixiyiin haysta mad-habta Orthodox-ka ee Itoobiya. 

Diinta masiixiga ayaa gobolka Tigray lagu beeray 1600 oo sannadood ka hor.

Ark Covenant Axum tigray

4. Luuqada ugu weyn ee gobolka waa Tigrinya, taasi oo ay ku hadlaan ilaa toddoba milyan oo qof oo ku nool dunida.

5. Sisinta waa dalagga ugu muhiimsan ee ka baxa gobolka, Waxaa loo dhoofiyaa Mareykanka, Shiinaha iyo waddamo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here