Shaqsiyaad lagu helay masuq maasuqa gargaarkii Baladweyne oo Xabsiga la dhigay

baladweyne fatahaad

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Gawaari lagu siday gargaarkii loogu talagalay dadka ay saameynta ku yeesheen Fatahaadda magaalada Baladweyne oo si sharci daro ah loo leexsaday.

Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkmadda Ciidamadda Qalabka sida ee qeybta 27 aad Dhame Maxamed Cabdulqaadir Maxmed ayaa sheegay in Gawaarida siday raashinka gargaarka ah iyo dadkii waday la qabtay xilli Bakhaaro ku yaalla Beledweyne Raashinka lagu dejinayay.

Waxaa uu sheegay inay xalay Saqdii dhexe ka warheleen in Raashin loogu talo galay dadka fatahaadaha saameeyeen si sharci darro ah loogu dejinayo Bakhhaaro ku yaallao Baladweyne, isla markaana ay Xabsiga dhigeen wadaayaashii gaadiidka & Shaqaalahii dejinayay.

Arrintaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli kal hore qaar kamid ah dadkii u barakacay deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Baladweyne ay sheegeen in gurmadkii loogu talo galay la soo gaarsiin, isla markaana la musuq maasuqay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here