Sharciga doorashada iyo B/caalamka: Ha qaadan dharbaaxa quudheed

beesha caalamka2


Soomaalidii hore marka ay arkaan wax ay la tacajabaan, waxay dhihi jireen “War ma anaa waalan, mise cadan baa laga heesayaa?” sidoo kale Islaan waayeel ah oo aan deris ahaan jirnay, ayaa iyaduna marka ay aragto wax ay la anfariirto amaba ashqaraar ku rida, waxay dhihi jirtay “Meeshii aan ku yaabay, ayaan weli fadhiyaa!”

Waa runteed oo taniba waa ammakaag iyo dhabanna heys is weydiin mudane Soomaalaay, haddii aynu xor nahay, annaga is doorashadeenna iyo sida aan u dhaqmeyno oo ku saabsan arrimaheenna gudaha, maxaa ka galay waxan la yiraahdo Beesha Caalamka, teeda kale fara gelin hoose dunida oo dhan bey ka jirtaaye middan qaawan ee aan gabbashadaba lahayn, maxaa innaga gaar inooga dhigay?

Sharciga doorashooyinka oo ay ka soo doodeen labada gole ee na wada metela, si meel mar ahna ay u soo wada ansixiyeen, isla markaana madaxweynaha dalka uu qalinka ku duugay, in ay beesha caalamku ay yiraahdaan sharcigan  waa qabyo  dib ugu noqosho ayuuna u baahan yahay, taasi ma sax baa ummad yahay?, maxayse tahay fara gelinta shisheeye ee burburin karta go’aanno ay soo wada gaareen labadeenna gole?, mise Soomaaliyeey dharbaaxadaasi quureed ayaan iska dugsannaa, annaga oo dhaxdeenna isu ciil qabna?

Sidee bay xorriyaddeennu ugu qanacsanaaneysaa, inuu mas’uul shisheeya ahi yiraahdo dowladda federaalka ah ee Soomaaliyeed ciidamadeeda ma geysan karto xuduudaha ay la wadaagto dowladaha deriska la ah, isaga oo weliba adeegsaday ereyo handadaad ah oo dibaloomaasiyadda ka baxsan, oo ah “Ma aqbaleyno, in ay dowladda Soomaaliyeed ciidan geyso xuduudaheeda” Haddaba is weydiintu waxa ay tahay dunida ma ka jirtaa dowlad aan xuduudaheeda ciidan u joogin, mise annaga oo keliya, ayey noo gaar tahay oo denbi hore iyo wax leynaga aarsanayo ayaa jira?

Sidee baan raalli uga nahay in Heybadle Maxamed Cabdulle Xalane xaruuntii lagu maamuusay ee magaciisa wadata, in ay ahaato xaruun sir doonnada dunida ay isugu yimaadaan oo aan la garanayn waxa galaya waxa ka soo baxaya iyo waxa lagu dhex qabto intaba, isla markaana ah meel heebeenkii dab rid lagu dhex sameeyo, iyada oo aanay jirin cid dhihi karta carruurta iyo waayeelka hurda ha idin ka seexdeen ee dhawaaqa xabbadda noog daaya!

Intaasi oo bahdilid iyo karaama darro u ah Qaranka Soomaaliyeed, marka aan idin dareensiiyay ka dib, madaxda sare ee hoggaanka u ah dalka muxaafid iyo mucaaradba, waxaan leeyahay, idinku ha isu muuqannina kaliya ee ha idiin muuqdo tacaddiga uu shisheeyaha kula kacayo qarannimada dalka iyo dadkiisa ee halyeeyo ay taariikhdu xusto oo la mahadiyo ahaada ama hunguri raac noqda oo heeryada Gumeysiga cusub ha idin dul saarnaato. Ugu danbaystii waxaan idin xusuusinayaa qayb ka mid ah, murtidii dhaxal galka noqtay ee uu inooga tagay, Alla ha u naxariistee Abwaan Salaan Carrabeey ee ahayd:-

Haddaad dhimato geeridu marbey
Nolosha dhaantaaye
Dhaqashiyo mar bey kaa yihiin
Dhereggu xaaraane
Nin dharbaaxa quudheed dugsaday
Dhaqayadeed maalye
Dhashaadey sugtaa xaajadaad
Dhowrataa abid.

W/Q: Barbaariye Bashiir Cali Xuseen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here