Sheekh Maxamed Idiris oo musharaxiinta mucaaradka ku sifeeyay kuwa huwan calanka Kenya

sheekh maxamed idiris

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culimadda Soomaalida ugu waaweyn ayaa ka hadlay loolanka doorashada ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo musharaxiinta mucaaradka.

Sheekhu wuxuu barta uu Facebook ku leeyahay soo dhigay qoraal uu qaabkiisa ku saleeyay kubadda cagta kana dhigay in labada kooxood ay qaab ciyaar ah isku wajaheen, wuxuuna guusha siiyay dowladda dhexe isagoo siyaasiyiinta mucaaradka ku sifeeyay kuwa huwan calanka Kenya.

Labada kooxood uu ka hadlaayo wuxuu ugu magacdaray kooxda (Jaziira) oo uu kala jeedo siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo koox uu ugu magac daray (Villa) oo uu kala jeedo dowladda dhexe.

Sheekh Maxamed Idiris wuxuu qoraalkiisa kusoo koobay in siyaasiyiinta Mucaaradka looga adkaaday wixii dhacay maadaama ay dowlad shisheeye dharkeeda soo xirteen, waana mid ka mid ah qoraalada aadka looga hadal haayo baraha bulshada maanta.

Halkaan ka akhriso qoraalka Sheikh Maxamed Idris:

shacabka soomaaliyeed wuxuu daawanayaa ciyaarta tartanka (doorashada dadban) ee koobka soomaaliya 2020/21.

Maadaama aanu cod iyo ra’yi ku lahayn. Ciyaarta qaybteedii hore kooxda (jaziira) ayaa weerarka u badnayd oo dhawr goor shabaqa (villa) sigtay, laakiin kooxda (villa) ayaa difaac adag xiratay oo weeraradaas wiiqay.

Ciyaartii shalay galab ayaa ahayd mid kala bax ah oo la xiisaynayey, hayeeshee taktiiga ciyaarta iyo natiijadeeduba wexey noqotay lama filaan!

Kooxda (jaziira) ayaa garoonka ku soo gashay finaanado calanka kenya ku sawiran yahay! halka kooxda (villa) ku lebbisnayd finaanadda calanka buluugaa ee soomaaliya! Malaha tababaraha kooxda (Jaziira) kuma baraarugin in garoonka ciyaartu yahay soomaaliya, shacabka daawanayaana yihiin soomaali soocan, taasoo fursad lama filaana siisay kooxda (villa).

Sidaa awgeed ayaa natiijadii noqotay (5 iyo 0) lagu garaacay shabaqa kooxda (Jaziira) oo ay qaar iyagu si qalad ah isaga dhaliyeen! Ciyaartoyda (Jaziira) waxaa ka muuqdey koox aan ciyaarta isla haysan! halka kooxda (villa) ay mintideysey, gaar ahaan No. 9 iyo 10 oo weerar qorshaysan ciyaaray. Waxaan sugnaaba waa ciyaaraha fiinaalka inshallah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here