Sheekh Shaakir oo shaaca ka qaaday xilalka Ahlu-Sunna ay ka dooneyso Galmudug

sh Shaakir

Hoggaanka Ahlu Sunada Galmudug ayaa waxa uu ka hadlay hamiga ay ka leeyihiin dhismaha Galmudug-ta cusub, ee lagu wado in loo yegleelo bulshada ku dhaqan Gobolada Dhexe.

Ahlu Sunada Galmudug ayaa marar badan waxay Dowladda Federaalka ku eedeysay inay khariirad aan wanaagsanayn u mareyso dhismaha maamulka cusub, ee markii ugu horeysay lagu dhisayo Magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxa Xukuumada Galmudug oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa marka hore cadeeyay in Ahlu Sunna ay dooneyso in dadka reer Galmudug loo dhiso maamul loo dhan yahay.

Madaxa Xukuumadda Galmudug oo wax laga weydiiyay yoolkooda ku aadan Galmudug iyo inay doonayan xilal sare oo Galmudug ay ka qabtaan ayaa sheegay inay horeyba xilal muhiim ah uga soo qabteen Galmudug, hadana ay doonayan inay xilal sare ka qabtaan.

Sidoo kale waxaa uu iftiimiyay inay ka mid yihiin dadka Soomaaliyeed, kuwooda reer Galmudug ee hamiga ka leh inay wax ka hoggaamiyan Maamulka Galmudug.

“Waxaan ka dooneynaa waxaa waaye umadda Soomaaliyeed ee Galmudug ku adkeysataa ee hamigana u leh inaan ka mid nahay, dadka ugu xaqa lahaa ka mid nahay. Waxaan rabnaa inaan deegaanka u ilaalino sidii aan u ilaalineynay, wixii mabaadii’ anaguna ka qabno waa midda aan umadda ku difaaceyno.” Ayuu yiri Madaxa Xukuumada Galmudug.

Waxa kaloo uu yiri “Galmudug inaan jego ka qabano oo Madaxweyne aan ka noqono, oo Madaxweyne Kuxigeen aan ka noqono, Guddoon Baarlamaan ka noqono intaba waan ka soo heynay, munaasabad ayayna noo yihiin inaan ka qabano, hadana waan dooneynaa intii aan ka helno inaan ka qabano.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Dadka kale ee Galmudug-na intii ay ka qaban karaan inay ka qabtaan, sidaasina lagu mideeyo Galmudug, waana midda aan u sabcineyno.”

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Ahlu Sunna ku sifeeyay mid u tureysa dadka reer Galmudug, marar badana ay tanaasul u sameysay, sidii loo dardar-gelin lahaa maamul u samaynta Galmudug, balse ay Dowladda Federaalka jujuubeyso masuuliyiintii ku soo dhaweeyay Gobolada Dhexe.

Khilaafka xargaha goystay ee wiiqay Doorashada Madaxtinimada Galmudug ayaa waxaa sababteeda lagu eedeeyaa Villa Somalia, iyadoo aan doorashada ka dhigin mid daahfuran, isla-markaana taageereysa cid gaar ah, oo ay doorashadaasi ku gacansiineyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here