Sheekh Shibli oo ka hadlay in Masaajidada loo xiri karo Coronavirus dartiis

0
sh shibli

Inta badan dalalka caalamka aya aalaga soo saaray amarro lagu xirayo masaajidyada, si loo yareeyo faafitaanka cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee coronavirus. Laakiin Soomaaliya ayaan wali laga xirin masaajidyada, inkastoo cudurkan uu gaaray goor hore.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegaya in dad badan oo Soomaali ah ay kasoo horjeedaan xiritaanka masjidyada.

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, oo ka mid ah meelaha ay Soomaalida badan ku nool yihiin, ayaan salaadda jimcaha laga tukanin isbuucii afaraad oo xiriir ah, iyadoo dhammaan masaajidyada aysan jameeco ka soconin.

Inta badan dalalka Islaamka, waxaa la baddalay aadaankii salaadda, waxaana dadka lagu boorrinayaa in qof walba uu ku tukado meesha uu ku sugan yahay.

Laakiin dadka badankood su’aalaha ay isweydiinayaan waxaa ka mid ah inay bannaan tahay in laga tago khudbada salaadda Jimcaha ee waajibka ah.

Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli, oo ka mid ah culimada Soomaalida ee ku sugan dalka Kenya ayaa BBC-da u sheegay in masaajidyada laga hakan karo haddii ay jiraan sababo keeni kara arrintaas.

“Waxa la eegayo ma aha tirada inta jimco ee laga baaqanayo masaajidka, waxa ugu muhiimsan waa sababta keeneysa. Jimcadu waxay wax badan la wadaagtaa jameecooyinka kae, waayo waxaa la isugu imaanayaa masaajidka, waxa loo imanayana waa cibaado iyo kheyr in lala yimaado”.

Sheekha ayaa sharraxay waxa keeni kara in masjidka aan la aadin.

“Sababo badan buu sharcigu u banneeyay in laga haro jimcaha iyo jamaacada, sababahaasna waxaa ka mid ah in qofku uu xanuunsan yahay ama uu xanuun ka baqayo. Sidaas darteed shareecadu nafta ilaalinteeda iyo caafimaadkeeda ayey ka hormarisaa in qofka uu masaajidka iyo jameecada tago. Waxaa la oggol yahay inuu qofku jimcada ka haro – haddey doonto cid timaadaba ha la waayee – inuu ama isagu xanuunsanayo ama uu xanuun ka baqayo”, ayuu yiri Sheekh Shibli.

Dhinaca kale wuxuu Sheekh Shibil tusaale usoo qaatay habkii uu nabiga ula dhaqmi jiray dadka qaba cudurrada faafa.

“Nabigeenna CSW talooyinkii uu bixiyay waxaa ka mid ahaa inaan la isku darin dad caafimaad qaba iyo dad xanuunsan. Markii uu soo islaamo nin qaba cudurrada faafi kara, sida juudaanka, ee uu doonayo inuu bayco(ballan) la galo rasuulka, wuxuu dhihi jiray meeshaada joog halkaaga ayaan beycada kugula galay”.

“IMar kalena nabigu wuxuu cudurrada noocaasoo kale ah, oo uu tusaale usoo qaatay juudaanka ku taliyay in la isaga ilaaliyo sida libaaxa la isaga ilaaliyo oo kale. Intaasoo dhan waxay muujinayaan in jimcada iyo jamaacadu aysan waajib ku ahayn imaam iyo ma’muum toona haddii ay xanuun naftooda uga baqayaan”, ayuu yiri.

‘Horay way u dhacday in cudurro dartood loo tagi waayo masaajidyada’

Sheekh Shibli oo taariikhda islaamka dib u eegaya ayaa soo qaatay xaalado soo maray dadka muslimiinta ah, xilli ay fidayeen cudurro halis ah.

Wuxuu magacaabay qaar ka mid ah asxaabtii rasuulka CSW oo ay noloshooda galaafteen cudurradaas.

“Cudurrada faafa, sida daacuunka iyo kuwa la midka ah ee dilaaga ah ee faafa marar badan bay soo dhaceen, dhulka Shaam la dhihi jiray ee falastiin, lubnaan iyo Suuriya rag badan oo saxaabo ah ayaa ku dhintay oo ay ka mid yihiin Abuu cubeyda, Mucaad Ibnu Jabal iyo rag badan oo saxaabo ah ayaa ku baaba’ay. Dhulkii Andulus oo ah Spain iyo burtaqiiska waxay dhimashu gaartay heer sida ay u badan tahay masaajidyadii la tagi waayay, oo dadkii ay noqdeen kuwo meydadka aasiddooda ku mashquulay iyo kuwo cabsaday”.

Wuxuu Sheekha intaas ku daray in dadka muslimiinta ah ay la mid yihiin bani’aadanka kale ee caadiga ah, isagoo sheegay in “dhiigga muslimiinta uusan waxba ka duwaneyn kan dadka caadiga ah”.

Isha: BBC Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here