Sheekh Shibli oo ka hadlay waxa ay shareecada ka qabto in reer ahaan looga xaalo kufsiga

sh shibli

Dalka Soomaaliya waxaa sanadihii lasoo dhaafay aad u kordhay tacadiyada ay kamidka yihiin kufsi wadeeradka iyo dilalka loo gaysanaayo dumarka Soomaaliyeed.

Dhacdadii u dambeeysay waxay ahayd mid toddobaadkii la soo dhaafay muqdisho loogu geystay gabar dhallinyaro ah oo kufsi iyo dil la isugu daray.

Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli, oo kamid ah culumada Soomaaliyeed oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sharaxay waxa ay diinta Islaamka ka qabto arrimaha kufsiga iyo dilalka.

Sheekha oo ugu horeyn ka hadlay xukunka dilka ayaa sheegay in dilka ula kaca ah uu leeyahay qisaas haddii ay xataa kawada qeyb qaateen 100 qof, isagoo xusay in dhammaantood lagu fulinayo xukun dil ah.

Sidoo kale Shibli ayaa sheegay in falka kufsiga ah loo kala qaadayo laba, haddii uu hub loo adeegsado ama qaab afduub ah uu u dhaco wuxuu sheegay in xukunkiisa uu noqonayo xadkii xiraabada (Dagaalka),  isagoo xusay in taas ay ka dhallaneyso in qofka falkaas sameeyey si isdhaaf looga jaro xubnihiisa.

“Kufsiga waxaan u kala qaadeynaa laba nooc, haddii hub loo adeegsado ama la afduubto waxay noqoneysaa xadkii Xiraabada, waxaana xukuminayaa in is-dhaaf loo jaro xubnahooda meel fagaare ahna laga laadlaadiyo, Haddii falka yahay kufsi aan wax kale wehlin isla markaasna qofka geystay uu yahay qof guur soo maray waxaa lagu dilayaa dhagax, haddii qofka geystay uusan wax guur ah soo marin waa Karbaash iyo sanad masaafurin ah,” ayuu yiri Sheekh Shibli.

Sheekh Shibili ayaa sheegay in sinada kufsiga ah uusan sharciga ogoleyn in laga xaalo go’aana aysan ka gaari karin odayaasha dhaqanka  sidoo kalana aysan dowladda awood u laheyn inay cafiso dadka falkaas sameeyey, wuxuuna taas badalkeeda sheegay in maamulka ka jiro meesha uu falka ka dhacay laga rabo inuu fuliyo xadka diiniga ah ee ka waajibayo.

“Sinada kufsiga ah sharcigu ma ogola in laga xaalo, xadka Sinada Tol iyo Reero kama xaali karaan, dowladna ma cafin karto. Odayaasha iyo tolka Kufsiga iyo afduubka sharcigu ma ogola inay galaan, mana jirto dowlad cafin karto, waa in sharciga la fuliyaa,” ayuu yiri Sheekh Shibli.

Hadalka Sheekh Shibli ayaa kusoo aadayo xilli ay Dowladda Soomaaliya soo qabatay ku dhawaad 15 qof oo lagu eedeenayo inay ku lug leeyihiin kufsigii iyo dilkii loo geystay Gabar kamid ah aheyd ardaydii sanadkaan u fadhiistay imtixaanka dugsiyada sare oo lagu magacaabo Xamdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here