Shiikh Shaakir, Ahlusuna iyo Reer Galmudug oo dhabarka ka jebiyey cadowgii Soomaaliya

farmaajo xaaf shiikh shaakir

Shiikh Shaakir, Madaxii xukuumaddii Galmudug, Ciidamadda Ahlusuna iyo guud ahaan shacabka Galmudug ayaa mudo 24 saacadood gudahood ah ku sameeyey waxaan umadda Soomaaliyeed uga baran 30 sano ee ugu dambeeyey, loogana fadhiyin.

Reer Galmudug waxaa lagu xaman jiray inay ahaayeen ishii uu ka soo bilowday burburkii Soomaaliya ayaa kaga oohiyey cadow kasta oo Soomaaliya lahayd oo filayey inay Dawladda Soomaaliya kala hortegi doonaan qori, qabiil, iyagoo ku naaloonayey inay waqtiga Dawlada u hadhay ay ku dhameysan doonaan is qabqabsi iyo Maamul la’aan.

Reer Galmudug oo midaysan ayaa dhidibadda u qotomiyey Aas-aaska Qaran Soomaaliyeed oo xoog leh, kadib markii Ciidamada Soomaaliya ay si kedis ah ula wareegeen amaanka Galmudug, balse waxaa filanwaa noqotay in Ciidamadii iyo taageerayaashii Ahlusuna ay Ciidanka Qaranka la dagaalami waayeen oo ciidamdii Soomaaliya si nabadgelyo ah ula wareegeen dhamaan degaamadii, waxaa cadowgii Soomaaliya argagax ku noqday hadalkii Shiikh Shaakir oo ahaa mid wadaniyad iyo qaranimo xambaarsan, xaalada Soomaaliya iyo aragtida caalamku ka qabobana saameynaya, wuxuuna soo bandhigay geesinimadiisa iyo tudhaalaa dadkiisa iyo dalkiisa, wuxuuna ka baaqsaday oo badbaadiyey inuu dhiigooda daadiyo wiilasha yar yar ee Soomaaliyeed ee Galmudug loo keenay inay Qarankooda u adeegaan, Shiikh Shaakir wuxuu muujiyey inuu yahay hogaamiye u qalma inuu mustaqbalka dalkiisa hogaamiyo, isaga iyo taageerayaashiisaba waxaa weli sugaya dagaalkii ay Galmudug ku xoreynayeen.

TANAASULKII MADAXWEYNE XAAF IYO XIL WAREEJINTII UU SAMEEYEY WAXAY AHAYD MID TAARIIKHI AH OO AAN LA ILAAWI DOONIN.

Waxaa iyana fajac iyo amankaag noqotay in dhamaan degaamadda Galmudug oo ay ka soo jeedaan Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisalwasaare Kheyre ay si aan kala har lahayn mar qura u taageeraan isbedelka Galmudug, waxayna tusaale iyo ku dayasho u noqon doonaan maamul Goboleedyada weli diidan in dib loo dhismo qaran Soomaaliyeed oo xoog iyo haybad leh, kuwaas oo weli isku sii dhejinaya hagardaamooyinkii ay General Gabre iyo Mahiiga ummadda Soomaaliyeed ku kala qaybiyeen, si dhulkeena iyo baddaooda loo boobo.

MARKA LAGA SOO TAGO 3O SANO EE XUMAANTA IYO BURBURKA REER GALMUDUG KAALIN LIBAAX AYEY KU LAHAAYEEN HALGANKII XORIYADA, TAAGEERADDA AY MAANTA DAWLADDA IYO CIIDANKA QARANKA U MUUJIYEENA WAXAY BAAL CUSUB U FURAYSAA SOOMAALIYA IYO HORUMARKA GALMUDUG OO AY UGU HOREYSO DHISMAHA DEKEDDA HOBYO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here