SHIINAHA OO SOO DHOWEEYEY MOWQIFKA SOOMAALIYA EE XIISADDA TAIWAN

china and somalia

Safaaradda dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa soo dhoweysay mowqifka ay ka qaadatay dowladda Soomaaliya xiisadda ka aloosan Taiwan.

Dowladda Shiinaha, ayaa qoraal ay soo saartey ku bogaadisay warka dowladda Soomaaliya, iyadoo sheegtay in labadda ummadood ee Soomaalida iyo Shiinaha ay leeyihiin xiriir qoto dheer oo soo jireen ah.

Warka qoraalka ee safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale lagu sheegay in xiriirka labadda dal uu yahay mid ku qotoma is xurmeyn, iyo iskaashi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartey shalay bayaan, ay isku barbar taagtay dowladda Shiinaha, taasoo ay ku sheegtay iney taageersan tahay midnimada dhulka Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here