Shiinuhu 11 malyan oo qof ma ku baari karaa 10 maalmood gudahood?

2019 nCoV

Shiinaha ayaa ka shaqeynaya qorshe aad u wanaagsan oo lagu baari doono dhamaan dadka ku nool magalaada Wuhaan oo ah halkii uu ka bilawday cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Arintan ay dowladda ku dhawaaqday ayaa kusoo aaday kadib markii lix kiis oo cusub laga helay magaaladaasi tan iyo bishii Abriil bilowgeeda.

Sarakiisha ayaa markii hore balan qaaday inay baaritaan ku samayn donaan 11 malyan oo qof oo magaalada wuhan ku nool muddo tobban maalmood gudahood.

Laakiin hadda waxay u muuqataa inay u bartilmaamedsanayaan jadwal yar oo himilo leh.

Mudo intee leeg ayay qaadanaysaa in dadka la talaalo?

Dhamaadkii bishii abriil Dowlad goboleedka Hubei waxay sheegtay in 63kun oo qf maalin walba cudurka lagaga baaro magaalada Wuhan.

Axadii aynu soo dhaafnay ee 10ka bishan tirada dadka ee cudurkaa laga baaro maalin walba waxay hoos u dhacday ilaa 40kun oo qof.

In kabadn lixdan xarumood oo cudurka corona fayrus dadka looga baaro ayaa ku yaala Wuhan sida uu ku waramay wargeyska maalinlaha ah ee Hubei.

Xarumahan ayaa waxay baari karaan 100kun oo kiis maalin walba taas oo aad u adkayn karto tirada dowladda ay bartilmaamedsanayso oo ah 11 malyan oo qof in lagu baaro muddo tobban casho gudahood..

Ilaa 14ka maajo, warbaahiinta maxaliga ee gobolka Hubei ayaa waxay sheegeen in 2.7 malyan oo qof la baaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here