Shir looga hadlayo dhaqaalaha dalka Soomaaliya oo lagu qabtay Washington

kheyre kuland washington

Shir loogaga hadlayo dhaqaalaha dalka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Washington ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka.

Wasiirka Maaliyadda dalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo qayb ka ah wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in madaxdii caalamka ee shirka ka soo qeyb gashay ay qireen in Soomaaliya guul muhiim ah ka gaartay horumarinta iyo hufnaanta maaliyadda dalka iyadoo masuuliyiinta Soomaaliya ay balan qaadeen sii wadida dadaalka lagu horumarinayo Maaliyadda Soomaaliya.

Ra’iisul Kheyre ayaa Sidoo kale la filyaa in maalmaha soo socdo uu ka qeyb-galo shirka sanadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka (IMF).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here