Shir looga hadlayo hannaanka Maaliyadda dalka oo ka furmay Muqdisho

Dastuurka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kulan-howleed looga doodayo hannaanka maaliyadda ee nidaamka federaaleynta kaasoo ah qodob muhiim ah oo katirsan dastuurka.

Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socotay Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Ugu horeeyn waxaa shirka ujeedadiisa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr isaga oo soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha shirka ee ka kala socday wasaaradaha dowladda iyo qaar kamid ah hay’adaha UNka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulanka furay ayaa ka hadlay muhiimadda nidaamka maaliyadda u leeyahay dhameeytirka dastuurka.

“Hannaanka Maaliyadda ee nidaamka federaalka waxa uu kamid yahay qodobada maasiriga ah ee u baahan in aragti la yeesho si dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay uga wada shaqeeyaan arrimaha maaliyadda, si taa lamid ah xulashada nooca hannaanka maaliyadda waxa uu kaalin weyn ka qaadanayaa dhameeystirka dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here