Shir sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ka furmaya

garsoor shir

Shir sanadeedka Garsoorka dalka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasoo ah sanadkii labaad oo la qabto shirkan, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan Hey’addaha Garsoorka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha heysta garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa Garsoorka dalka, iyadoo la filayo in Wasaaradda Cadaaladda ee dowladda Federaalka ay soo bandhigi doonto warbixin ku saabsan xaalada garsoorka dalka.

Waxaa kaloo la filayaa in shirka lagu soo bandhigo waxyaabihii ka hirgalay qodobadii ka soo baxay shirkii sanadkii hore la qabtay.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxyaabihii ay balanqaaday inay mudnaanta siin doonto waxaa ka mid ahaa dib u habeynta Garsoorka, iyadoo ay jireen is bedelo lagu sameyn doono hey’adaha garsoorka dalka.

Hase ahaatee caqabadaha la xiriira garsoorka ayaa ahaa mid sanadihii u dambeeyay soo taxnaa, iyadoo dad kala duwan ay aad uga cawdeen hey’adaha garsoorka iyo qaababka loo maareeyay go’aano garsoor oo horay u rideen maxkamadaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here