Shir u dhexeeya DF iyo shanta maamul goboleed oo ka furmay Afisyooni

madaxda m goboleedyada

 Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shir gaar ah oo ay u dhan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, iyo gobolka banaadir, kaas oo horudhac u ah shirka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka 2021-ka.

Shirkan oo albaabada ay u xiran yihiin ayaa goordhow si rasmi ah uga billowday Teendhada Afisyooni, waxaana goobjoog ah madaxweynaha Sppmaaliya, ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada oo ay qeyb ka yihiin Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo ay tahay inay markii ugu horreysay la fariistaan dowladda federaalka ah.

Wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa faah faahin kooban ka bixiyey shirkan, wuxuuna tilmaamay inuu furay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo intaasi raaciyey inay rajo wanaagsan ka qabaan in shirka uu guuleysan doono.

Caqabadaha waxa uu ka imaanayay meelaha qaar, waxa aan rajeyneenaa in is faham loo guuri doono si howsha si wanaagsan ay u dhacdo, waxaana rajeyneenaa in shirka uu guuleysto oo uu dhaco isu tanaasul, shacabka waxa aan leeyahay usoo duceeya,” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here