Shirka Garoowe wuxuu la mid yahay Shirkii Mudulood waana fashilmay

msaleebaan mudulood

Waxaa dhowaan magaalada Muqdisho ku shiray koox sheegatay Beelaha Mudulood kuwaas oo ay hor boodayeen 3 Madaxweyne oo Soomaaliya soo maray, kuwaas oo kala ah, Cali Mahdi oo ahaa ninkii Badda sumeeyey (Bad sumeeye) ee lacagta yar qaatay, Shiikh Shariif oo ahaa ninkii badda gaday (Bad-gad) iyo Xasan Shiikh oo ahaa ninkii gabdhaha Soomaaliyeed Carabta ka gaday (dumar-gad).

Shirkaas Mudulood waxaa ka soo baxay MUDULOOD WAA QOWMIYAD, WAXAANAY RAALI KA AHAYNINA MA SOCON KARAAN. Soomaaliyi waa qowmiyad, wixii dantooda ah baana soconaya, kooxda shirka wadayna waxay u adeegayeen Cadowga Soomaaliya, dadku waa ka war hayeen inay dabadhilifiin yihiin sidaasdarteed shirkii Mudulood waa fashilmay.

Shirka Garoowe waxaa wada koox Beesha Maxamuud Saleebaan ee Majeerteen, waxay hoolka ka soo buuxsadeen shaqaale beelaha kale ka soo jeeda iyo dhowr isim oo degaamadoodii laga deyriyey, shirka waxaa dabada ka wada 3 madaxweyne Goboleed, midkood yahay ninkii hirgeliyey fekradihii Soomaali lagu burburinayey ee Mahiiga iyo General Gabre keeneen, midna ninkii Ciidanka Kenya Jubooyinka Keenay, midka kale waa damjadiid Xasan shiikh ka dhex qaylinayo.

Waxay u adeegayaan Cadowga Soomaaliya ee u soo tafoxaytay boobka dhulka iyo badda Soomaaliyeed, Shirkan waxaa ka soo baxay; MAXAMUUD SALEEBAAN IYO WAXAA ISLEEG WIXII MADAX MODOW OO ARIGU KU JIRO, CADKANOW KU CUNAY AMA KU CIIDEEYEY, DIB U SOO CELINTA GAROOWE1 IYO GAROOWE2

Sidoo kale in Ciidamada Soomaaliya ee xuduudka Kenya la geeyey dib loo soo celiyo si Kenya u boobto badda iyo beriga Soomaaliya iyo wax aanan raali ka ahaynina ma socon karaan.

Shirka Garoowe ee Wadatashiga Beelaha Maxamuud Saleebaan waa fashilmay, wuxuu la mid yahay shirarkii hore ee ay soo abaabuleed Cadowga iyo badadhilifyada uu cadowgu ku adeegto, Beesha Maxamuud Saleebaana waxay u baahan tahay inay shirka ku ceshato oo raadiso talo ay Soomaali dhinaceeda kaga raaci karto, loomana baahna in lagu mashquulo oo maskaxda iyo cududa laga weeciyo sugida Xuduudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here