Shirka guddiga Wadajirka dhaqaalaha ee dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ka dhacay

somalia turkey ankara

Waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ka dhacay kulan ay yeesheen guddiga Wadajirka Dhaqaalaha ee dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo looga hadlay iskaashiga dhaqaalaha iyo waliba wixii ka qabsoomay qoddobadii ka soo baxay kulankii kan ka horeeyayWafdiga dowladda Soomaaliya ee shirka ka qeybgalay waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta  jaamaal Maxamed Xassan iyadoo dhinaca Turkigana uu kulanka ku matalayay wafdi uu horkacayay Wasiirka Difaaca.

Kulanka ayaa intii uu socday sidoo kale waxaa lagu bandhigay horumarradii dhaqaale ee  la gaaray iyo xariirrada dhaqaale, ganacsi, farsamo, dhaqan ee ka dhexeeya labada dowladood, waxaana la isla qiray in ay muhiim tahay in  lasii adkeeyo iskaashiga

Waxaa kulanka dhinac socda kulamo gaargaar ah oo ay Wasiirrada Dowladda Federaalka iyo xubnaha kale ee guddiga la yeesheen mas’uuliyiinta dhiggooda ah ee dalka Turkiga.

Guddiga wadajirka ah ee dhaqaalaha Turkiga iyo Soomaaliya oo lagu  aasaasay qodobka 7aad ee heshiiskii ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha  ee labada dowladood saxiixeen 22, 02, 2016, ayaa kulankii ugu horreeyay  waxa ay January 11-12, 2018 ku yeesheen isla magaalada Ankara.

Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa waxaa marka laga soo tago Wasiir Jamaal sidoo kale ka mid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka. Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda. Wasiirka dekadaha iyo gadiidka badda, Wasiiru Dowlaha arrimaha dibad gudoomiyaha Bankiga dhexe, Gudoomiyaha Somalia Airline 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here