Shirkadda Navistar oo la siiyey qandaraas $26 Malyan si ay Somalia u keento Gaadiidka dagaalka

7000 MV GTT

Sida uu qoray Wargayska Defenceweb, Shirkadda soo saarta Gaadiidka kala duwan ee Ciidanka ee lagu magacaabo Navistar ayaa  la siiyey mashruuc ay gaadiidka dagaalka ku geyneyso Soomaaliya.

25 kii Bishan November ayaa shirkadda Navistar la siiyey heshiis ku kacaya $26 748 087 Milyan oo dollar oo ay ka heshay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, waxaana lagu sheegay heshiiskaas inuu yahay mid Qiimihiisu go,an yahay.

Shirkadaan ayaa lagula heshiiyey inay Ciidanka Soomaaliya usoo saarto laba nooc oo ah gaadiidka ciidamada oo dhex dhexaad ah oo ah kuwa ganacsi ahaan loo soo saaro gaar ahaan noocyada 6×6 General Transport Truck iyo 6×6 Wrecker Vehicle Recovery Truck oo wato qalabkii lagu dayactiri lahaa.

Sida Heshiiskani dhigayo Shirkadan ayaa laga doonayaa inay Gaadiidkaas iyo qalabka dayactirka ay Soomaaliya gaadhsiiso sanadkan 2022 laguna wareejiyo Dowladda Soomaaliya.

Gaadiidka la filayo inay Shirkadan Soomaaliya keento ayaa waxaa kamid ah 7000-MV oo ah kuwa Gaadiidka Xamuulka Qaada.  Inta Badanna Ay isticmaalaan  Ciidamada Dowladaha Adduunku. hoos ka akhriso iyadoo English ah

Somalia awards Navistar Defense $26M contract to supply military transport vehicles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here