Shirkii Afisyoone oo guuldarro kusoo dhamaaday

wasiir Cismaan Dubbe

Shirkii u dhaxeeyay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ee Afisyoone ayaa guul-darroo kusoo dhammaaday kadib markii lagu kala booday qodobadii ugu adkaa ee la isku hayey.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe oo shir jaraa’id qabtay ayaa guuldarrada shirka ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, isaga oo sheegay inaysan rabin inay dalka ka dhacdo doorasho.

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in  labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn,” ayuu yiri Dubbe.

Hoos ka daawo wasiir Dubbe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here