Shirkii guddiyada DF iyo dowlad goboleed oo furmay iyo wararkii ugu dambeeyey

gudi farsamo df iyo mg

Magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa galinka dambe ee maanta ka furmay shirkii guddida farsamada ee xal u helidda khilaafka doorashooyinka.

Guddigan ka kala socda dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir ka arrinsan doonaan sidii xal loogu heli lahaa qodobada la isku mari weysan yahay ee ku hor gudban arrimaha doorashooyinka, isla markaana keenay fashilka shirkii dhuusamareeb 4.

Beesha Caalamka kulankaan waxey ka tahay kor joog, waxaana la doonayaa in xal looga gaaro arrinta gobolka Gedo oo ah tan ugu weyn ee ku hor gudban doorashada, sidoo kale guddiyadaan shirka uga socda waxey si toos ah ula xiriirayaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here