Shirkii Maxamuud Saleebaan oo Garoowe ka furmaya iyo Cawad tegay

cawad wads2

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise oo hoggaaninaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Puntland ayaa gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb galayaan Shir loogu yeeray Wadatashiga Puntland balse guntiisu tahay goolaaftanka dacama iyo sadbursiga beelaha axamuud Saleebaankaas oo furmaya 15-ka bishan, waxaana ku baaqay madaxweyne Deni.

Lama garanayo dadka ka soo jeeda Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ee dalkoodii mar hore Somaliland gacanta loo geliyey ayaaha dhexeeya ee ay Maxamuud Saleebaan kala tashanayaan.

Waxaa jira Isimo biidhiqaateyaal noqday, kuwaas oo iibsaday dadkoodii iyo degaankoodii oo fadlan lacag ku shubo isu bedelay, mana jirto cid ay metelaan.

Si kastaba, wafdigan maanta Garowe ayaa horay ugu fashilmay in ay dhex-dhexaadiyaan Madaxda maamulka Puntland iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Shirka Garoowe ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno gacan-maroojis ah oo lagu raadinayo baad iyo sadbursi lagu bartay Dawladihii hore, kuwaas oo ay diiday xukuumada Madaxweyne Farmaajo.

Go’aan kasta oo ka soo baxa shirka Maxamuud Saleebaan oo ka dhan ah midnimadda Soomaaliyeed, ma jirto cid ka yeelaysaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here