Shirkii Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo furmay

rooble musharixiin

Hotel-ka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa ka bilowday shirkii ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharaxiinta, iyadoo ay jiraan wajiyo cusub oo ka maqnaa shirkii khamiistii dhacay.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulankaan ku casuumay midowga musharaxiinta iyadoo laga wada hadli doono arrimo ku saabsan sidii ay Midowga uga qeyb gali lahaayeen shirka ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

Shirka waxaa goob joog ah ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kulankii Khamiistii ka maqnaa, markii ugu horreysay ayey is hor fariisan doonaan isaga iyo ra’iisul wasaarahii xilka ka badalay Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka sidoo kale waxaa jooga madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi (Guudlaawe) iyo sidoo kale madaxweynahii hore maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan oo kulankii hore ka maqnaa.

Maxamed Xuseen Rooble wuxuu hadda u muuqdaa mid qaadanaya doorkiisii ka gudbinta marxaladda kala guurka ee wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here