Shirkii u dhexeeyey DF iyo dowlad goboleedyada oo maanta dib u billowday

madaxda m goboleedyada

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho dib uga billowday kulankii u dhexeeyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo Sabtidii ka billowday Teendhada Afisyoone.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha, shanta madax goboleed iyo duqa Muqdisho.

Kulankan ayaa shalay dib u dhacay, sababo la xiriira safarkii Qoor Qoor ee Dhuusamareeb, kaas oo gelinkii dambe ee shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Wararka sheegaya in shirkan laga filayo in horumar laga sameeyo, gaar ahaan qodobada la’isku haya ee hannaanka doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka.

Intiisa badan waxaa kulanka maanta diirada lagu saarayaa ajandaha shirka arrimaha wada-tashiga doorashooyinka iyo diyaarinta dhinacyada ka qeyb-galaya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda Teendhada Afisyoone.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here