Shirweynaha caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Shirka iskaashiga Somalia

Shirweynaha caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya ayaa goor dhow si rasmi ah uga furmay gudaha magaalada Muqdisho.

Shirka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa daah-furay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya in ka badan wakiilo ka socda 50 dowladood, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo madaxda maamullada dalka.

Shirka iskaashiga Soomaaliya oo ah mid heer caalami ayaa soconaya maanta iyo beri, iyadoona diirada lagu saarayo Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda iyo Cadaaladda.

Waa markii ugu horreysay oo shirkan lagu qabanayo gudaha magaalada Muqdisho, iyadoona horay loogu qaban jiray dalalka qaaradda Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here