Shuruudo 8 ah oo lagu xiray musharaxiinta guddoonka baarlamaanka Galmudug

calanka galmudug

Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee Galmudug ayaa soo saaray shuruudaha laga doonayo xildhibaanada u tartamaya kuraasta guddoonka baarlamaanka.

Guddiga ayaa soo bandhigay illaa siddeed shuruud oo ay ka mid yihiin in musharaxa uu haysto shahaado jaamacadeed ama wax u dhigma isla markaana uu bixiyo musharax u tartamaya guddoomiyaha lacag dhan toban kun oo dollar halka guddoomiye ku xigeenka uu bixinayo shan kun oo dollar oo aan celis lahayn.

Halkan hoose ka aqriso shuruudaha musharaxiinta guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here