Siday Al-Shabaab ugu suurtogashay inay galaan saldhiga Mareykanka, yaase ku gacan siiyey weerarka?

lamu weerar alshabaab

Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in saddex muwaadin oo Mareykan ahaa ay ku dhinteen weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu, ee dalka Kenya, ayada oo laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha Kenya iyo Geeska Afrika, oo wareysi siiyey idaacadda VOA, ayaa sheegay in weerarkaasi uu muujiyey heerka awoodda Al-Shabaab iyo in quwado shisheeye ay taageeraan kooxdan.

“Al-Shabaab ma lahan awood ay ku weeraraan waddanka ugu xoogga badan caalamka. Marka shaki igama jiro in quwado shisheeye ay arrintan ku gacan siiyeen Al-Shabaab.” Ayuu yiri Cabdiwhaab.

Cabdiwahaab waxa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay weerarkan qorsheyneysay muddo fog, islamarkaana ay heshay akhbara sirdoon oo aad u xooggan oo u sahashay inay galaan saldhigga.

“Tababarka intaa le’eg, akhbaarta intaa le’eg, iyo awoodda intaa le’eg yaa siiyey Al-Shabaab. Markii weerarka uu billowday durba waxay muuqaallo soo geliyeen baraha bulshada, yaa siiyey Al-Shabaab taknaloojiyadda intaas le’eg,” Ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay hadda ka tageen mabda’oodii, islamarkaana ay isku rogeen gaangis caalami ah oo la kireysto, si ay howlgallo u fuliyaan.

“Al-Shabaab waxay noqotay koox loo adeegsado dagaal aan la arkeyn cidda ka dambeysa. Waxay noqdeen koox ay cid walba kireysan karto, waxay noqdeen kooxd loo adeegsado in lasii wado dhibka Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Cabdiwahaab ma uusan shaacin quwadda saddexaad ee uu rumeysan yahay in Al-Shabaab ay ku gacan siisay weerarkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here