Siday gabadhan u dhashay iyadoon uur isku ogayn?

Ebony Stevenson

Gabadh da’yar oo iyadoo madaxu xanuunayo sariir ku seexatay ayaa afar maalmood ka dib toostay iyadoo ku curatay gabadh fajac ku noqotay.

Ebony Stevenson oo 18 jir ah oo Britain u dhalatay ayaan ka warhaynin in ay uur tahay markii ay xanuunsatay ee ay sariirta ku seexanaysay.

Isbitaal ayaa loo sii qaaday ka dib markii ay miyir daboolantay, dhakhaatiirta ayaana ogaaday in ay uur leedahay.

Ilmaheeda aan dhalan ayaa ku qarsoomay labo makaan oo ay lahayd, waana xaalad naadir ah.

Mid ka mid ah labada makaan ayaa caado keeni jiray midka kalana ilmaha ayaa ku abuurmay oo ku dhex korayay.

Midka uu ilmuhu ku korayay ayaa dhanka dhabarka xigay sidaas daraadeedna uurka ayaa noqday mid aan la dareemin.

Hooyadan da’da yar oo ardayad ah ayaa toostay 6 bishii Disembar iyadoo gabadh dhashay.

Calooshu ma soo kuusmin, xanuunka walaca ma aysan arkin, caadadiina kama joogsan.

‘Mucjiso’

Hooyadan mar curadka ah oo gabadheeda u bixisay Elodie.

“Wax aan run ahayn ayay ila noqotay markaan gabadhayda la kulmay” ayay tiri

“Waan walwalay, gabadhaydana iskuma dhadhajinin, sababtoo ah arrinta dhacday ayaa madaxayga ka sii guuxaysay, balse waxay ilatahay waa gabadh cajiib ah.

“Waa mucjiso. Aduunka oo dhanna kuma doorsadeen gabadhayda Elodie.”

Stevenson hooyadeed oo 39 jir ah ayaa wacatay lambarka gurmadka degdegga ah, markii ay dhakhaatiirtu ku wargaliyeen in gabadheedu ay uur leedahayna way ka biyo diiday, qalliin degdeg ah ayaana lagaga dhaliyay.

Dhakhaatiirtu markii ay fiiriyeen culayska gabadha dhalatay waxay istuseen in ay shinkeedii ku dhalatay.

Stevenson waxay rajaynaysaa in ay waxbarashadeedii ku laabato bishan aan ku jirno Feebaraayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here