Sidee Caalamku uga falceliyay xaaladda Qasa?

falastiini mudah qaza

Dagaalyahannada Xamaas ayaa tobanaan gantaal ku garaacay Israa’iil kadib markii duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ku dhinteen taliyayaal sarsare ayna burbureen dhismayaal ku yaalla Qasa.

Wararku waxay sheegayaan in dhowr goobood oo ku yaalla koonfurta Israel ay ku dhaceen gantaallada Xamaas, kuwaas oo magaalada Sderot ku dilay ilmo yar.

Xiisadda sii kordheysa ee Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa keentay in Qaramada Midoobay ay ka digto in rabshaduhu ay isku badallaan dagaal.

Duqeymaha Israa’iil ee Qasa ugu yaraan 65 qof ayaa ku dhimatay oo ay ku jiraan 14 carruur ah, halka dhanka Israa’iil-na ay ku dhinteen toddobo qof.

Dagaalkan ayaa qarxay kadib todobaadyo ay xiisad kacsan oo udhaxeysa Israa’iil iyo Falastiin ee ka jirtay bariga Qudus.

Rabshadaha ka socday magaalooyinka Israa’iil ee ay ku badan yihiin dadka Yuhuudda ah iyo Carabta Israa’iil ayaa horseedday in la qab qabto in ka badan 374 qof fiidnimadii Arbacada, booliska Israa’iil ayaa sheegay in qulqulatooyinkaas ay ku dhawaacmeen 36 sarkaal oo Israa’iiliyiin ah.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu qorsheynayo in ciidamo milatari ah loo diro magaalooyinku ay rabshaduhu ka socdaan si ay booliska uga caawiyaan xakameynta xaaladda. Mr Netanyahu wuxuu ku tilmaamay fowdo rabshadaha ka socda qaybo ka mid ah Israa’iil.

“Wax qiil uma heli karo mooryaan carbeed oo weeraraya Yuhuuda, wax cudurdaar ahna uma noqon karo mooryaan Yuhuud ah oo weerartay carabta” ayuu ku yiri hadal muuqaal ah oo uu soo duubay Netanyahu, sida ay qortay jariiradda Times of Israel.

Dagaalyahannada Falastiiniyiinta ayaa gantaalo ku garaacayay Israa’iil tan iyo habeenimadii Isniinta, Israelna waxay kaga jawaabtay duqeyn ay la beegsatay goobo kala duwan.

Wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas ee Qasa ayaa sheegtay in inkabadan 360 qof ay ku dhaawacmeen halka 65 qof oo kalana ay dhinteen tan iyo markii rabshadhu bilowden.

Mr Netanyahu ayaa sheegay in dowlada ay awoodeeda oo dhan u adeegsan doonto sidii Israa’iil looga difaaci lahaa cadowga dibada iyo rabshadaha ka dhaca gudaha.

Balse mamaulka Falastiiniyiinta ayaa cambaareyay weerarada milatariga Israa’iil .

Hooyadaan iyo cunugeeda yar waa la soo badbaadiyay

Sidee Caalamku uga falceliyay xaaladda Qasa

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay inuu “aad uga walaacsan yahay” rabshadaha socda Qasa. Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa yeeshay kulan ay uga hadlayaan arintan, laakiin wax war ah kama soo saarin.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo khadka taleefanka kula xiriiray Mr Netanyahu Arbacadii, wuxuu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la soo celiyo “daganaansho sal adag leh” isaga oo rajo ka muujiyay soo afjaridda xiisadda Qasa.Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa isana sheegay inuu ergay u diray gobolka si uu ula kulmo labada dhinac.

Ruushka wuxuu ku baaqay shir deg deg ah oo ay ka yeeshaan xaaladda bariga dhexe dalkiisa, Mareykanka,Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey. Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa laga soo xigtay afhayeen u hadlay Xamaas oo leh xarakadu waxay diyaar u tahay xabad joojin haddii Israa’iil ay joojiso “falalka rabshadaha leh” ee bariga Qudus iyo “tallaabooyinka sharci darrada ah”.

Wali waxaa socda duqeynta milatariga Israa'iil iyo gantaallada Xamaas

Maxaa dhacay Arbacadii

Israa’iil ayaa xaalad deg deg ah gelisay magaalada bartamaha dhacda ee Lod kadib markii dibadbaxyo rabshado wata ay halkaas ka dhigeen dadka kasoo jeedo Carabta Israa’iil xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeyo ciidamada iyo dagaalyahanada Falastiiniyiinta.

Xilli ay rabshadaha ka socdeen magaalada Lod, waxaa dab la qabadsiiyay baabuur.

Waxaana halkaas ku dhintay aabe iyo gabadhiisa kadib markii baabuurkooda uu ku habsaday madfac.

Dagaalyahanada Falastiiniyiinta ayaa gantaallo ku garaacay gudaha Israa’iil halka Israa’iil ay duqeysay Qaza.

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay dagaalkan ka socda halkaas.

Militeriga Israa’iil waxay sheegeen inay beegsanayaan dagaalyahano Falastiiniyiin ah oo ku sugan marinka Qaza Kadi gantaallada ay kusoo weerareen Israa’iil.

In ka badan 1,000 gantaal ayaa ku dhacay bartamaha iyo koonfurta Israa’iil kuwaas oo soo tureen dagaalyahanada Falastiiniyiinta.

Maxaa rabshada keenay?

Dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas waxaa dhaliyay maalmo ay sii kordhayeen isku dhacayo u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo booliska Israa’iil oo ka dhacay oo ka dhacya masaajidka barakeysan ee Al-aqsaa.

Booliska Israa’iil ayaa gudaha u galay Masaajidka ,iyadoo Xamaas ay ka dalbatay booliska Israa’iil in ay ka baxaan gudaha masaajidka iyo degmada u dhow ee Sheikh Jarrah, halkaas oo qoysaska reer Falastiin ay sheegeen in Israa’iil ay ka waddo deegaameyn.Xamaas ayaa gantaallo ku garaacday Israa’iil markii dalabkoodii la fulin waayay.

Tan iyo markaa waxaa dhacayay iska horimaadyo si joogta ah u dhex marayay booliska Israa’iil iyo dadka Falastiniyiinta iyo gantaallada Xamaas iyo duqeynta Israa’iil-na aaney kala joosgi lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here