Sidee dunida uga falcelisay dilka janaraalkii Iran ugu caansanaa ee Qaasim Suleymaani

Qaasim Suleymaani2

Janaraal Qaasim Suleymaan oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds ayaa waxaa lagu dilay gantaallo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku rideen elaboorka magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq waxaana dilkiisa xaqiijisay dowladda Mareykanka.

Ciidamada Qudus ayaa ah ciidan qaabilsan hawlgalada dibadda, kana tirsan ciidamada dalka Iran.

Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in dilka Qaasim Sulaymaani uu amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

62 jirkan hogaaminhyayay ciidamada Qudus ayaa waxaa loo arkayay inuu ahaa qofka labaad ee ugu awoodda badan dalkaasi Iran marka laga oo tago hogaamiyaha maxkamadda ugu sareyso dalkaasi Ayatollah Khamenei.

Gudaha dalka Iran waxaa uu ka ahaa geesi qaran balse Mareykanka ayaa Janaraal Suleeymaan iyo ciidamadiisa Qudus waxay u yaqaaneen argagixiso.

Sidan ayay dunida uga falcelisay dilka Qaasim Suleeymaan.

Argoosi xanuun badan

Hogaamiyaha Maxkamadda ugu sareyso dalkaasi Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in ”aargoosi xanuun badan uu sugayo dambiileyaasha” ka dambeeyay weerarka, iyadoona dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Iran Javad Zarif weerarkaasi ku tilmaamay ”ficil argagixiso caalami ah”

Madaxweyne Xassan Rowxaani ayaa ku hanjabay in ”dalka weyn ee Iran uu aargoosan doono”. Geerida janaraalka ayaa qabsatay warbaajinta Iran.

Ali Khamenei pictured during a meeting with Afghanistan's President Ashraf Ghani in April 2015.

Severe revenge awaits the criminals (behind the strike) Ayatollah Ali Khamenei
Supreme Leader of the Islamic Republic of Iran

Ka dib markii uu dhacay weerarka, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyay sawirka calanka Mareykanka.

Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in Suleeymaani uu qorsheynayay weerarro dheeraad ah oo lagu bartilmaameedsanayo diblomaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan Ciraaq ka dib dilkii qandaraaslihii Mareykanka iyo weerarkii safaaradda Mareykanka ee Baqdaad.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa baahiyay muuqaal muujinayay shacab Ciraaqiyiin ah oo wado calanka Ciraaq oo weyn kuwaasi marayay waddooyinka.

Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga Elizabeth Warren ayaa sheegtay in Janaraal Suleeymaan uu ahaa”dilaa”, go’aankii lagu dilayna uu ahaa ”mid aan laga fiirsan”

Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa muwaadiniinta Mareykanka ku boorrisay iney ”sida ugu dhakhsiyaha badan uga baxaan dalka Ciraaq”, weeraka ka dib.

‘Khatarta sare u kacidda xasaradda’

Raysal-Wasaaraha Iran Caadil Cabdul Mahdi ayaa cambaareeyay dilka Janraal Suleeymaan iyo Talihii maleeshiyada Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis oo isagana lgu dilay isla weerakaasi.

Waxa uu sheegay in weeraka uu ahaa ”mid sare u sii qaadaya khatarta ah in Ciraaq uu ka dhaco dagaal ba’an,” sidaasi waxaa soo weriyay warbaahinta dowladda Ciraaq ee Ciraaqiya News.

.

Raysal Wasaaraha ayaa intaasi ku sii daray in weerarkaasi uu baalmaray shuruucdii milatariga Mareykanka ku sugan Ciraaq, waxa uuna ku baaqay in baarlamaanka ay isugu yimaadan kulan aan caadi ahayn.

Madixii hore ee sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa sheegeey ineysan u muuqan, si Iran aysan u qaadi karin tallabo argoosi ah oo loogu aarayo Janaraal Suleeymaani, uuna aaminsan yahay in muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan gobolka ay khatar ku jiraan.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa sheegay in dilka Sulkeeymaani ee Mareykanka uu u muuqdo tallaabo aan laga fiirsan taasi oo horseedi karto iney sare u sii kacdo xasaradda gobolka.

“Suleeymani waxa uu si hagar la’aan ah u difaacayay danaha qaranka Iran. Waxaan u tacsiyeyneynaa shacabka reer Iran,” ayuu intaasi ku sii daray wasiirka.

Shiinaha ayaa dhammaan dhinacyada is haya ugu baaqay, gaar ahaan mareykanka iney dejiyaan xaaladda ka dib geeridii Janaraal Suleeymaan.

Shiinuhu waxa uu xubin joogto ah ka yahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waana mid ka mid ah dalalka ugu iibsashada badan shidaalka Iran.

Wasiirka Midowga Yurub u qaabilsan faransiiska Amelie de Montchalin ayaa iyadana ka hadashay dhacdadan: ”Waxaanu ku waa bariisanay duni ay khatarteedu sii kordheyso”.

XIGA: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here