Sidey ninkan ugu suurtagashay inuu 159 fal oo kufsi ah geysto?

Reynhard Sinaga kufsade uk

Nin ay maxkamad ku heshay 159 dambi oo kufsi ah, laguna qeexay inuu yahay qofka ugu kufsiga badan dalka Britain, ayaa markii ugu horreysay magaciisa la shaaciyay, ka dib markii uu soo idlaaday dhageysiga dacwaddiisa.

Reynhard Sinaga ayaa lagu helay dambi ah inuu si xeeladeysan kusoo kaxeystay 48 nin oo ku sugnaa magaalada Manchester, ka dibna uu gurigiisa geystay, isagoo muuqaallo ka sameynayay weerarrada kufsiga ah ee uu u geysanayay.

Booliska ayaa sheegay inay hayaan caddeymo la xiriira in Sinaga, oo 34 jir ah, uu bartilmaameedsaday ugu yaraan 190 dhibbane.

Garsooraha maxkamadda ayaa xukumay in xabsi daa’in loo diro ninkan, hase ahaatee 30 sano oo wakhtigaas ka mid ah ay khasab tahay inuu xabsi gudihiis ku dhammeysto.

Ninkan jaamacadda dhiganayay ayaa horay u qaadanayay xukun xabsi 20 sano ah oo lagu riday, ka dib markii caddeymo loo helay 2 dacwadood oo uu soo maray.

Labada jeer ee hore waxaa la maxkamadeeyay sanadkii 2018-kii iyo sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii.

Afar jeer oo la maxkamadeeyay ninkan kasoo jeeda waddanka Indonesiya, balse ku dhashay magaalada Manchester, ayaa lagu helay 138 dambi oo kufsi ah, 8 dambi oo isku day kufsi ah, 14 dambi oo weerar dhinaca jinsiga ah iyo 1 dambi oo ah inuu awood adeegsaday. Dhammaan falalkan wuxuu u geystay dhibaneyaal marka tiradooda la isku daro ay gaareyso 48 ruux.

Bedroom
Booliska waxay sheegeen inay hayaan caddeymo muujinaya inuu Sinaga weeraray 190 ruux, balse rag badan lama aqoonsanin, kuwo kalena ma xasuusan karin wixii dhacay

Sinaga ayaa ragga ku sugi jiray kalaabyada iyo makhaayadaha khamriga lagu cabo, wuxuuna gurigiisa geysan jiray isagoo ku siraya inuu siinayo meel ay khamriga u haray ku cabaan ama ay gaari qaada ku sugaan.

Dadka uu dhibka u geystay wuxuu gurigiisa u jiiday iyagoo aan miyir lahayn. Marka ay soo miyirsadaanna, intooda badan ma aysan xasuusan karin wixii dhacay.

Xukun goor sii horreysay lagu riday ninkan, ayey garsoore lagu magacaabo Suzanne Goddard QC ku sheegtay inay hubto inuu adeegsaday nooc daroogo ah oo uu siin jiray dadka uu kufsanayay. Mid ka mid ah dadkii dhibaneyaasha u noqday ayaa sheegay “inuu Sinaga burburiyay qeyb ka mid ah noloshiisa”, halka mid kalena uu yiri: “Waxaan rajeynayaa inuusan waligiis xabsi kasoo bixin, ka dibna uu naarta toos usii aado”.

“Waxaa isoo maray xilliyo aanan madaxa kor usoo qaadi karin xishood dartiis”, ayuu yiri qof kale.

Qaar badan oo ka mid ah dhibaneyaasha ayaa sheegay in arrintan ay saameyn ku yeelatay caafimaadkooda dhinaca maskaxda, halka qaarkood ayba ku fikireen inay isdilaan.

Markii uu xukunka dhacay ka dib, Ian Rushton, oo ka mid ah waaxda dacwad oogeyaasha Britain ayaa sheegay in Sinaga “uu yahay qofka falalka ugu badan ee kufsiga ah ka geystay Britain ee soo maray taariikhda sharciga dalkaas”. Wuxuu sheegay in xitaa ay suurtagal tahay inuu ninkan yahay qofkii ugu kufsiga badnaa ee abid soo maray dunida”.

“Dareenkiisa dhinaca galmada ma aha mid la aamini karo, dhibaatadanna wuu sii wadi lahaa haddii aan gacanta lagu dhigi lahayn”, ayuu yiri dacwad oogaha.

CCTV
Kaamirooyinka CCTV ayaa duubay Sinaga oo doonanaya dad uu kufsado

Sinaga, oo shahaadada ugu sarreysa ee PHD-da ka sameynayay jaamacadda Leeds, wuxuu falalkaas geystay muddo sannado ah gudahood.

Ninkan kufsiga badan waxaa la qabtay bishii June ee sanadkii 2017-kii, ka dib markii qof ka mid ah dhibaneyaashiisa oo soo miyirsaday uu la dagaallamay islamarkiina ugu wacay booliska.

Markii ay ciidamadu gacanta ku dhigeen telefoonkii uu lahaa Sinaga, waxay ku arkeen muuqaallo uu falalka kufsiga ah isaga duubi jiray, oo gaaraya boqollaal saacadood.

Qabashada ninkan ayaa horseedday dacwaddii ugu weyneyd ee dhinaca kufsiga, oo abid laga fuliyo Britain.

Sarkaal ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Mabbs Hussain ayaa sheegay in xaddiga saxda ah ee uu la egyahay dambiga Sinaga aan waligiis la ogaan karin.

“Waxaan ka shakisan nahay inuu falalkan soo waday muddo 10 sano ah”, ayuu yiri sarkaalka. “Macluumaadka iyo caddeymaha aan heyno waa kuwo aad u badan”.

Booliska baaritaanka sameynayay ayaa dadka dhibbaneyaasha ah ka tixraacayay muuqaallada laga helay dambiilaha telefoonkiisa.

Bottles
Caddeymaha la helay waxay muujiyeen in Sinaga uu cabitaanno daroogo ku jirto siin jiray dhibbaneyaashiisa

Dacwadda ka dhanka ah Sinaga waxay muddo 18 bilood ah ka socotay maxkamadda magaalada Manchester.

Dambi baareyaasha ayeysan u suurtagalin inay aqoonsadaan 70 dhibbane, waxayna shacabka ka codsadeen in qof kasta oo uu Sinaga kufsaday uu booliska u tago.

Dambiyada ninkan lagu helay waxay ku kala waqtiyeysan yihiin intii u dhaxeysay 2015-kii ilaa 2017-kii, laakiin booliska ayaa rumeysan inay xilligaas kasii horreeyeen.

Ardaygan la xukumay ayaa dhankiisa beeniyay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay in nin kasta oo uu galmo ku sameeyay uu raalli ka ahaa waxa dhacayay, uuna aqbalay in muuqaal laga duubo isagoo iska dhigaya qof hurda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here