Siduu ku billowday dagaalka Qasa ee cirka isku sii shareerayaa?

masjid al aqsa

Dagaalka ka dhex aloosan Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa horseeday in Qaramada Midoobay ay ka digto “dagaal ballaaran” oo dhex mara labada dhinac.

Rabshadahan u dambeeyey ayaa yimid kaddib dhowr bilood oo xiisad ay ka taagnayd magaalada Qudus, intkastoo khilaafku uu soo taagnaa tobonaan sano.

Arrin 100-sano jirsatay.

Dowladda Britain ayaa la wareegtay gacan ku haynta deegaan lagu magacaabo Falastiin kaddib markii dagaalkii koowaad ee adduunka la jabiyey boqortooyadii Cismaaniyiinta oo ayadu dhulkaas ka talinaysay.

Dhulkaas waxaa degganaa Yuhuud laga tiro badan yahay iyo Carab aqlabiyad ah.

Xiisadda u dhexaysa labadaas shacab ayaa sii xoogaysatay kaddib markii beesha caalamku ay Britain u xilsaartay in Falastiin ay noqoto “dhulka hooyo” ee Yuhuudda.

Yuhuuddu waxay rumaysan tahay in dhulkaasi uu yahay dhulkii awooweyaashood, balse Falastiiniyiintuna waxay sidoo kale sheegteen in ayagu ay dhulka leeyihiin isla markaasna waxay ka soo horjeesteen tallaabadaas.

Intii u dhexaysay 1920-kii iyo 1940-kii, tirada dadka Yuhuudda ah ee dhulkaas imaanaysa ayaa sii badatay, ayagoo qaar badan oo ayaga ka mid ah ay ka soo baxsanyeen cadaadiska ka haysta qaaradda Yurub isla markaasna raadinaya dhul ay gaar u leeyihiin kaddib xasuuqii Holocaust ee dagaalkii labaad ee adduunka.

Xiisadda u dhexaysa Yuhuudda iyo Carabta, iyo ka hor imaanshihii xukunka Britain ayaa ayaduna sii korortay.

Sannadkii 1947-dii, Qaramada Midoobay ayaa u codaysay in dhulka Falastiin loo kala qaybiyo laba dowladood oo Yuhuud iyo Carab ah.

Qorshehaas waxaa aqbalay hoggaamiyeyaasha Yuhuudda halka Carabtu ay diideen hirgelinta arrintaas.

Aasaaskii Israa’iil iyo ‘Musiibadii’ dhacday

Sannadkii 1948-dii, ayadoon dhibaatadaas xal loo helin, ayaa masuuliyiintii Britain ee halkaa xukumi jiray iyo hoggaamiyeyaashii Yuhuudda waxay ku dhawaaqeen in la sameeyey dowladda Israa’iil.

Falastiiniyiin badan ayaa ka soo horjeestay arrintaas waxaan bilowday dagaal. Waxaana duullaan soo qaaday ciidamo ka socda dalalka dariska ah ee Carabta.

Boqolaal kun oo falastiiniyiin ah ayaa ka cararay guryahooda ama waa lagu khasbay in ay guryahooda ka baxaan waxa loo yaqaan Al Nakba, ama “Musiibada”.

Isla markii uu dagaalku dhammaaday waxaa sannadkii xigay la gaaray xabbad joojin, Israa’iil ayaa la wareegtay inta badan dhulkaas.

Urdun ayaa qabsatay dhulka haatan loo yaqaan Daanta Galbeed, halka Masar-na ay qabsatay Gaza.

Qudus ayaa u qaybsantay labo qaybood, ciidamada Israa’iil oo qabsaday Galbeedka, iyo ciidamada Urdun oo qabsaday Bariga.

Maadaama aysan labada dhinac waligood heshiin – dhinac kasta kan kale ayuu eedda dusha uga tuuray. Mana jirin wax dagaallo ah oo dhacay sanadihii xigay.

Dagaal kale ayaa bilowday sannadkii 1967, Israa’iil ayaana qabsatay Bariga Qudus Daanta Galbeed, buuraha Golan Heights ee Suuriya, Gaza iyo gacanka Siinaay ee Masar.

Inta badan qaxootigii Falastiiniyiinta iyo carruurtii ay dhaleen ayaa ku nool Gaza iyo daanta Galbeed, iyo sidoo kale dalka dariska ah ee Urdun, Suuriya iyo Lubnaan.

Qaxootigaas iyo carruurtii ay dhaleenba looma oggolaan in guryahooda ay dib ugu soo laabataan – Israa’iil ayaa ku andacoonaysa in arrintaasi ay khatar ku tahay jiritaanka dowladda Yuhuudda.

Israa’iil ayaa wali haysata Daanta Galbeed, inkastoo ay ka baxday Qasa, Qaramada Midoobayna waxay weli u aragtaa dhulkaas qayb ka mid ah dhulka la haysto.

Israa’iil ayaa sheeganaysa in magaalada Qudus oo dhan ay tahay Caasimadooda, halka Falastiiniyiintu ay sheeganayaan in Bariga Qudus ay tahay caasimadda mustaqbalka ee Falastiiniyiinta.

Maraykanka ayaa ah dalka kaliya ee aqoonsaday in magaalada oo dhan ay tahay caasimadda Israa’iil. 50-kii sano ee u dambeeyey Israa’iil ayaa deegaamayn ka samaysay deeganadaas, halkaas oo haatan ay ku nool yihiin 600,000 oo Yuhuud ah.

Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in arrintani ay tahay sharci darro marka la eego shuruucda caalamiga ah ayna caqabad ku tahay nabadda, balse Israa’iil ayaa arrintaas beeninaysa.

Maxaa Haatan Dhacaya?

Xiisadaha u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ku nool Bariga Qudus, Qasa iyo Daanta Galbeed ayaa inta badan aad u sarraysa. Qasa ayaa waxaa xukuma ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas, kaas oo marar badan ay Israa’iil dagaallamen.

Israa’iil iyo Masar ayaa xukuma xuduudaha Qasa si ay u xakameeyaan hubka soo gelaya halkaas si ururka Xamaas uusan gacanta ugu dhigin.

Falastiiniyiinta ku sugan Qasa iyo Daanta Galbeed ayaa ka badanaa waxyeello ka soo gaartay ficillada Israa’iil iyo Xayiraadaha halkaa saaran. Israa’iil ayaa dhankeeda sheegaysa in arrintaas ay u samaynayso si ay nafteeda uga difaacdo rabshadaha Falastiiniyiinta.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay tan iyo markii ay bilaabatay bisha barakaysan ee Ramadan bartamihii bishii la soo dhaafay ee April, ayadoo iskudhacyo habeenkii ah ay dhexmarayeen Falastiiniyiinta iyo booliiska Isarel.

Falastiiniyiinta deggan Bariga Qudus oo si xoog ah guryahooda looga rarayo ayaa ayadu caro weyn dhalisay.

XIG: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here