Silvia Romano oo aayado qur’aan ah ugu jawaabtay dadkii dhowaan u hanjabay

Silvia Constanca Romano6

Silvia Romano oo ah gabar la heyste u aheyd Al-Shabaab muddo 18-bilood ah, dibna loogu celiyay dalkeeda kadib markii la bixiyay madax furasho,  ayaa qabsatay warbaahinta isbuucyadii ugu dambeeyay, waxeyna wax walba ku saabsanaayeen shaki laga muujiyay dharka ay xirneyd iyo iney la baxsay sida la sheegay Caa’isha.

Caa’isha Romano mar kale ayey gilgishay gudaha Talyaaniga kadib markii ay barteeda Facebook-ga soo dhigtay aayado qur’aan ah oo sida laga fahmay ay ugu jawaabeyso dadka u hanjabay iyada, waxaana jirta in dad badan ay dhaleeceyn dusha uga tuureen.

Sida sawiirka hoose ka muuqata aayadaha ay soo dhigtay baraha bulshada oo ay ku fasirtay luqadda talyaaniga waxey ku jiraan suuradda 41-aad ee Qur’aanka (Fussilat) oo ka kooban 45 aayadood , waana suurad qeybaheeda hore ay kusoo dagtay magaalada Makka halka qeybaha dambe ay kusoo dagtay magaalada Madiina.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa gabar Soomaali (Talyaani) ah oo warbaahinta ka shaqeysa ayaa walaac weyn ka muujisay qoraalka gabadhaan iyo adeegsiga aayadaha, waxeyna aaminsan tahay iney gabadhaan qiil u raadineyso kooxahii heystay oo ay ku tilmaameyso kuwa hadda cadaw u muuqda balse ay noqon karaan saaxiibo.

Shukri Saciid waxey leedahay macnaha hadalka Silvia (Caa’isha) wuxuu iila muuqdaa iney kooxaha xagjirka ah oo ay dadka u heystaan dad xun, sidoo kalana ay aragti ahaan u heystaan dad cadaw ah iney saaxiibo noqo karaan, balse ay u baahan tahay samir.

Shukri waxey sidoo kale aaminsan tahay in kooxahii afduubayaasha iyo Silvia Romano ay isku milmeen oo ay noqdeen dad wada nool, halka markii hore loo heystay qof la qafaashay iyo koox wax qafaalatay.

Shukri oo BBC-da la hadashay waxey farta ku fiiqeysaa in walaacii dadka aan la dhicin iney diinteeda badashay ay sii kordhi karto maadaama ay difaaceyso kooxahii heystay sidey ka fahmeen hadalka ay kusoo qortay baraha Bulshada.

Warbaahinta Talyaaniga aad ayey arinkaan u hadal qaadeen, waxaana jirtay in dowladda talyaaniga ay dhawaan bilowday baaritaan la xiriira hanjabaado ka dhan ah gabadhaan oo lasoo gaarsiiyay, dad badan ayaa qaba in dowladda talyaaniga ay ku qaldantay iney sii deyso ama ay dadaal badan ku bixiso in lasii daayo maadaama ay ka caroodeen iney diinteeda badashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here