Silvia Romano oo laga soo furtay Al-Shabaab kuna sugan Muqdisho

Silvia Constanca Romano

Silvia Constanca Romano, oo ah haweeney samafalka ka shaqeysa, oo bishii November ee sanadkii 2018-kii laga soo afduubtay dalka Kenya, laguna haystay Soomaaliya, ayaa lasii daayey.

Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku shaaciyey sii deysmada Silvia, isaga oo u mahad-celiyey sirdoonka dalka Talyaaniga.

“Silvia Romano waa lasoo daayey. Waxaan u mahad-celinayaa ragga iyo haweenka sirdoonka dibedda. Silvia, waxaan kugu sugaynaa Italia,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Conte.

Wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga Luigi Di Maio, oo sidoo kale ku dhowaaqay xoreynta Silvia ayaa yiri “Dowladda marnaba meel cidlo ah ugama tagto qofna.”

Wargeyska La Repubblica ee Talyaaniya ayaa qoray in sii deysmada Silvia ay muddo ka shaqeynaysay Hay’adda Sirdoonka Dibedda iyo Amniga Talyaaniga ee loo soo gaabiyo Aise, ayaga oo ay kala shaqeeyeen kuwa Soomaaliya iyo Turkiga.

Silvia ayaa waxaa heystay kooxda Al-Shabaab ee ka aas-aasan Soomaaliya oo kasoo qafaalatay deegaanka Chakama ee County-ga County ee dalka Kenya, bishii November ee sanadkii 2018-kii.

Sida uu qoray wargeysku, waxaa haweeneydan lagu soo furtay howl-gal xalay ka dhacay meel 30 KM u jirta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo ay fuliyeen ciidamada sirdoonka Aise, waxayna hadda ay ku sugan tahay Muqdisho.

Silvia ayaa la filayaa in maalinta Axadda ah ee berri ay u duusho dalkeedii Talyaaniga, sida aan xogta ku helnay.

“Waxaan ahaa qof xooggan, waan iska caabiyey, waan fiicanahay mana sugi karo inaan dalkayga kusoo laabto,” ayey tiri Silvia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here