Sirdoonka Reer Galbeedka oo ku wareersan waxa maskaxda Putin ka guuxaya

vladimir putin

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa ku go’doonsan duni uu isagu isku xiray, waa waxa ay rumeysan yihiin sirdoonka reer galbeedka, waana arrinta ay si weyn uga walaacsan yihiin.

Muddo sanado ah waxay dadaal ku bixiyeen sidii ay u darsan lahaayeen maskaxda Putin, si ay si fiican ugu fahmaan waxa uu damacsan yahay.

Iyada oo ciidamada Ruushku ay u muuqdaan in ay kuwa ku guuldareystay dagaalka Ukraine, baahida loo qabo in la ogaado waxa maskaxdiisa ka guuxaya ayaa noqotay mid loo baahan yahay iyaga oo isku dayaya in ay ogaadaan sida uu uga falcelinayo cadaadiska haatan saaran.

Fahamka xaaladdiisa maskaxeed waxay noqon doontaa mid muhiim ah si looga fogaado in xiisadda ay baahdo isla markaana ay gaarto dhul ballaaran.

Waxaa jiray warar la isla dhexmarayay oo sheegaya in hoggaamiyaha Ruushka uu xanuunsan yahay, laakiin falanqeeyayaasha waxay aaminsan yihiin in uu dhab ahaantii noqday qof go’doonsan lagana xiray fikrad kasta oo la gudboonaan laheyd.

Putin in uu go’doon ku jiro waxaa laga arkay sawirada kulamadii uu la yeeshay madaxda qaar, sida markii sawir laga soo qaaday Viladmir Putin iyo dhiggiisa Faransiiska Emanuel Macron iyagoo kursi dheer labada cirif ka fadhiya taasoo hadal heyn aad u weyn ka dhex abuuray baraha bulshada.

Waxa kale oo ay ka muuqatay kulankii Mr Putin uu la yeeshay kooxdiisa ammaanka qaranka habeennimadii dagaalka.

Qorshaha milatari ee bilawga ah ee Mr Putin waxa uu u ekaa wax uu hindisay sarkaal ka tirsan KGB, mid ka mid ah saraakiisha sirdoonka reer galbeedka ayaa sidaas sharraxay

Waxay yiraahdeen waa arrin la abuuray, “Waa shirqool qarsoodi oo siyaasadeysnaa” iyadoo diiradda la saaray sirta. Laakiin natiijadu waxay noqotay fowdo. Taliyayaashii ciidamada Ruushka, diyaar uma aysan aheyn dagaalka , waxaana askarta qaar ay ka gudbeen xadka iyagoo aan la ogeyn waxa ay sameynayaan.

Qof kaligii go’aanka qaata

Arrintan kuuguma soo hadal qaadayaan basaasiinta reer galbeedka iyadoo loo marayo ilo kale, waxay wax ka ogaayeen qorsheyaasha ku aadan sidii lagu ogaan lahaa waxa ka guuxaya maskaxda hoggaamiyaha Ruushka, haatan waxay wajahayaan caqabado hor leh-oo ah sidii ay ku ogaan lahaayeen waxa uu damacsan yahay Putin- ma ahan arrin fudud oo la ogaan karo.

“Caqabadda ku aadan fahamka dhaqdhaqaaqyada Kremlin-ka ayaa ah in Putin uu yahay go’aanka kaliya ee Ruushka” ayuu yiri John Sipher, oo hore u maamuli jiray, hawlgallada Ruushka ee CIA-da . In kasta oo aragtidiisa inta badan lagu caddeeyo haddallada kasoo baxa ee bannaanka yaalla, ogaanshaha sida uu u dhaqmi doono waa caqabad sirdoon oo adag.

“Aad bay ugu adag tahay in nidaamka sida weyn loo ilaaliyo ee Ruushka laga helo xog sirddoon oo ku aadan waxa ka guuxayo maanka Putin gaar ahaan marka dad badan oo isaga ka mid ahi aanay garanayn waxa socda,” Sir John Sawers, oo hore madax uga ahaa sirdoonka Britain MI6 ayaa sidaas BBC u sheegay.

Putin oo shir guddoominayay shir looga hadlayay dhaqaalaha dalkiisa February 28, 2022
Putin oo shir guddoominayay shir looga hadlayay dhaqaalaha dalkiisa February 28, 2022

Saraakiisha sirdoonka waxay sheegeen in Putin uu ku go’doonsan yahay xumbo uu isagu sameystay, taas oo laga heli karo xog yar oo kasoo dusta halkaas, gaar ahaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara waxa uu rumeysan yahay.

“Wuxuu dhibane u yahay dacaayad u gaar ah oo macneheedu yahay inuu dad tiro gaar ah dhegeysto, wax kastana uu meesha ka saaro, Tani waxay siinaysaa aragti la yaab leh oo ku saabsan adduunka,” ayuu yiri Adrian Furnham, oo ah borofisar ku takhasusay cilmi-nafsiga iyo wada-shaqeynta ahna qoraaga buug dhawaan soo bixi doona oo lagu magacaabo The Psychology of Spies and Spying.

Khatartu waa waxa loo yaqaan “group think” kaas oo qof walba uu ku xoojinayo aragtidiisa. “Haddii uu yahay dhibane kooxeed waxaan u malaynayaa inaan u baahanahay inaan ogaano cidda ay tahay kooxda,” ayuu yiri Prof Furnham.

Dad badan lama tashado madaxweyne Putin laakiin markii uu yimid go’aankii ahaa in lagu duulo Ukraine, waxaa la socday dad yar, sirdoonka reer galbeedka waxay rumeysan yihiin in dadkaas ay yihiin ‘kuwa dhata ah uu rumeysan yahay Putin” , waana kuwa wax ka og maskaxda iyo waxa uu damacsan yahay Putin.

Markii la dareemay dadka fara ku tiriska ee ka ag dhaw Putin waxay aheyd habeeenkii uu madaxweynaha Ruushka uu ku qadqaaday madaxa sirdoonka dalkaas xilli uu kulan la lahaa saraakiisha ugu sarreysa amniga xilli ay ka hadlayeen aqoonsiga gobollada ay heystaan kooxaha gooni u goosadka ee Ukraine- waa tallaabo u muuqatay mid lagu bahdilayo mas’uulkaas. Putin wuxuu jeediyay khudbad, wuxuu u muuqday qof xanaaqsan oo ay madaxa ka martay Ukraine iyo reer galbeedka.

Dadka u kuur galayay xaaladda Putin waxa ay sheegeen in hoggaamiyaha Ruushka uu damac ka galay in uu meesha ka saaro bahdilaadii Ruushka ee sagaashamaadkii iyadoo ay weheliso xukun ah in reer galbeedku ay ka go’an tahay in ay Ruushka hoos u dhigaan oo ay xukunka ka tuuraan.

Mid ka mid ah dadkii la kulmay Mr Putin ayaa xusuustay sida uu ugu waalan yahay daawashada muuqaallada muujinaya dilka madaxweynihii hore ee Liibiya, Mucammara Qadaafi oo xukunka laga tuuray 2011-kii.

Qof teleefishinka ka daawanayay Putin oo khudbad jeedinayo 31 January 2006
Qof teleefishinka ka daawanayay Putin oo khudbad jeedinayo 31 January 2006

Markii agaasimaha CIA, William Burns, la waydiiyey inuu qiimeeyo xaaladda maskaxeed ee Mr Putin, wuxuu sheegay “in uu sannado badan ku dhexjiray dareen gubasho ah oo isugu jira cabasho iyo hammi” wuxuuna ku tilmaamay aragtidiisa inay “arrin l aadkeeyay” oo waxyaabo aad “loogu dahaaray” marka loo eego dhinacyada kale.

Madaxweynaha Ruushku ma waalan yahay? Taasi waa su’aal in badan oo reer galbeedka ah ay is weydiiyeen. Laakiin khuburro fara ku tiris ah ayaa u arka arrintan inay waxtar leedahay.

Mid kamid khuburrada ku takhasustay climu nafsiga ayaa sheegay in arrinta khalad loo fahmay sababtoo ah ma fahmi karno go’aanka ah in lagu duulo Ukraine, waxaan ku tirineynaa qofka go’aankaas gaaray ‘ in uu waalan yahay’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

CIA waxay leedahay koox “falanqaynsa hoggaamiyeyaasha” ajaaniibta ah ee go’aanka leh iyaga oo sawiraya caado soo jireen ah oo ku saabsan isku daygii lagu fahmay Hitler. Waxay baranayaan asalka, xiriirka iyo caafimaadka, iyaga oo sawiraya sirta.

ilaha kale ay adeegsadaan waxaa kamid ah dadkii xiriirka toosk ah la yeeshay madaxda kale, Sannadkii 2014-kii, Angela Merkel ayaa u sheegtay madaxweyne Obama in Mr Putin uu ku nool yahay “adduun kale”.

Dhanka kale Madaxweyne Macron markii uu dhawaan la kulmay Mr Putin, waxaa la sheegay in uu hoggaamiyaha Ruushka uu ahaa “nin adag, oo u muuqdo in uu go’doonson yahay” marka loo eego kulamadii hore.

Madaxweynaha Faransiiska oo dhawaan la kulmay Putin
Madaxweynaha Faransiiska oo dhawaan la kulmay Putin

Ma waxbaa is baddalay? dadka qaar ayaa wax qiyaasaa, iyagoo aan haysan caddayn badan, oo ku saabsan caafimaad-darrada suurtagalka ah ee Putin ama saameynta daawada. Qaar kale waxay tilmaamayaan arrimo nafsi ah oo ay ka mid yihiin dareenka waqtigiisa ku dhammaanaya si uu u fuliyo waxa uu u arko inuu yahay masiirkiisa ilaalinta Ruushka ama soo celinta sharafta Ruushka, Hogaamiyaha Ruushka ayaa iska soo soocay dadka kale intii lagu jiray safmarka Karoona, waxaa laga yaabaa in taas aysaameyn nafsi ah ku yeelatay.

“Putin waxa ay u badan tahay in aanu maskaxda ka bukoon, ismana is beddelo, in kasta oo uu aad u degdegay, lagana yaabo in uu go’doonsanaa sannadihii u dambeeyay,” ayuu yiri Ken Dekleva, oo ah dhakhtar hore oo dawladda Maraykanka ah iyo diblumaasi, haddana ah xubin sare oo ka tirsan macadka George HW Bush Foundation ee qaabilsan falaanqeynta xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha.

Laakiin welwelka hadda jira ayaa ah in xogta la isku halleyn karo aysan wali helin marinkii Mr Putin ee xirnaa. Waxaa laga yaabaa in ciidamadiisa sirdoonku ay ka caga jiidayeen duulaanka ka hor in ay u sheegi lahaayeen wax uusan rabin in uu maqlo,iyaga oo soo bandhigay qiyaaso macquul ah oo ku saabsan sida duulaanku u dhici doono iyo sida loo qaabilo ciidamada Ruushka dagaalka ka hor.

Toddobaadkan mid ka mid ah saraakiisha reer galbeedka ayaa sheegay in laga yaabo in Mr Putin aanu weli fahmin sida ay xaaladdu uga xun tahay ciidamadiisa. Taasi waxay keenaysaa walaac ku saabsan sida uu uga falcelinayo xaaladda sii xumaaneysa ee ku wajahan Ruushka.

Aragtida waalan

Mr Putin laftiisu waxa uu ka sheekaynayaa sheekadii uu jiir ku eryanayay markii uu yaraa. Markii uu gees u kaxeeyay, jiirkii ayaa ka fal celiyay isaga oo weeraray, isaga oo ku qasbay Vladimir da’yar in uu ka cararo. Su’aasha ay siyaasad-dejiyeyaasha reer galbeedku is weydiinayaan ayaa ah ka waran haddii madaxweyne Putin uu hadda dareemo in uu ciriiri galay?

“Runtii su’aashu waxay tahay miyuu sii labanlaabayaa cabsida laga qabo nidaamka hubka ee uu diyaarsan inuu isticmaalo,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha reer galbeedka.

Waxaa jiray walaac laga qabay inuu isticmaalo hubka kiimikada ama xitaa hub nukliyeer ah.

“Walaaca jira ayaa ah inuu sameeyo wax aan la rumaysan karin oo degdeg ah isagoo si xun u riixaya badhanka Nukliyeerka,” ayuu yiri Adrian Furnham.

Mr Putin laftiisa ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro dareenka ah ‘inuu yahay nin halis ah ama nin macquul ah – tani waa xeelad si fiican loo yaqaan (badanaa loo yaqaan aragtida “waalan”) taas oo qof haysta hubka nukliyeerka uu isku dayo inuu cadawgiisa dib u celiyo isagoo qancinaya.

Basaasiinta reer galbeedka iyo siyaasiyiinta arrin muhiim ah uma arkaan in la darso maskaxda iyo waxa uu damacsan yahay Putin, Odoroska jawaabtiisa ayaa muhiim u ah in laga shaqeeyo ilaa inta ay ku riixi karaan in uusan ku dhaqaaqin falcelin halis ah.

“Fikirka nafsiga ah ee Putin ma ogola fashil ama daciifnimo, ma jeclo waxyaabahan oo kale” ayuu yiri Ken Dekleva.

“Wax ka halis badan ma lahan Putin oo la hareereeyay isla markaana la daciifiyay, mararka qaar wey fiican tahay in xayawaanka laga saaro qafiska oo dib loogu celiyo keymaha”

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo sita qoriga ugaarsiga xilli uu ku usgnaa Jamhuuriyadda Tuva bishii August 2007
Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo sita qoriga ugaarsiga xilli uu ku sugnaa Jamhuuriyadda Tuva bishii August 2007

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here