Siyaasiinta Kismaayo tagay oo ku ceebeysan hadalkii gefka ahaa ee Aadan Barre

haraagii dagaalka sokeeye

Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan hadal heynta hadal loo qaatay gef ee uu magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ka jeediyay Aadan Barre Ducaale hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya oo ka qaybgalay munaasabadda caleema-saarka Axmed Madoobe.

Hadalkaas ayaa ahaa “islaan aan uusan jirin, hadii ay uunsato, waxay ka guban doontaa meel aysan ka guban jirin” hadalka Aadan Barre Ducaale ayaa ahaa weerar siyaasadeed oo dad-ban islamarkaana lagu weeraray hoggaanka dowladda Soomaaliya.

Dad badan ayaa u arka in madaxdii ka qaybgashay Shirkii Kismaayo hadii aysan qaadan lahaayeen hal go’aan in ay soo celin lahaayeen sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed. Go’aanka ama aragtida ay qabaan dadka Muqdisho ee ah ka jawaabidda hadalkii Aadan Barre ayaa ah.

Hadii madaxdii Kismaayo laga heli lahaa hal siyaasi oo Aadan Barre Ducaale ka difaaca hadalkaas gefka ah, sidoo kalane ahaa meel ka dhac loo geestay madaxda dalka in ay xaaladu ahaan laheyd difaaca Qaran iyo ilaalinta sharafta umadda Soomaaliyeed.

“Dhamaan madaxdii Kismaayo ku sugneed malaga waayay hal qof oo ka jawaaba hadalka Aadan Barre Ducaale maadaama uu meel uga dhacay xubno ka tirsan Astaanta Qaranka, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo ka tirsan siyaasiinta Muqdisho.

“Siyaasiinta Kismaayo iyo kuwa muxaafadka ah dhamaantood waxay isku haayaan dangaar ah ma jirto danguud oo ay isku hayaan laakiin waqtiyada qaar waxaa waajib ah in la ilaaliyo sharafta dalka iyo madaxda Qaranka iyadoo loo eegeyn qof naceeb” ayuu yiri Maxamed Qaasim Axmed oo ka tirsan aqoonyahaanada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here