Somalia oo buuxisay shuruudaha dhaqaale ee QM

united nations flag

Xoghayaha joogtada ah ee dalka Hindiya u qaabilsan Qaramada Midoobey, Mahesh Kumar ayaa sheegay in Soomaaliya iyo waddamo kale ay buuxiyeen shuruudaha dhanka dhaqaalaha ee Qaramada Midoobey.

Mahesh Kumar ayaa shaaciyey in dalalka Somalia, Comoros, Sao Tome iyo Princip, ay dhameystireen shuruudaha dhaqaalaha ee Qaramada Midoobey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay xoghayuhu in hadda dalalkaasi ay xaq u leeyihiin inay codeeyaan.

Dhinaca kale xoghayaha Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa sheegay in dhammaadka bishan October ay istaagi doonto shaqada ee QM.

Xoghayaha ayaa arrintaasi sabab uga dhigay dhaqaale xumi soo wajahay Qaramada Midoobay.

Guterres ayaa xusay in laga gaabiyey bixinta Qaaraanka ay ku shaqeyso Qaramada Midoobay oo uu ku eedeeyey dalaka xubnaha ka ah.

Arrintan ayaa haddii aan wax laga qaban waxa ay saameyneyn doontaa dhammaan howlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here