Somalia oo ka hadashay Go’aankii Bangiga Adduunka iyo halka uu maraayo qorshaha Deyn cafinta

wasiirka maaliyadd somalia bayle

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu bartiisa soo dhigay waxa uu soo dhaweeyay go’aanada wax ku oolka ah ee ka soo baxay hay’adda lacagta adduunka IMF iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo go’aamiyay habkii ay ku cafin lahaayeen deynta Soomaaliya.

“Hadaan nahay Soomaaliya Dadaalkeenii wuu muuqdaa, waana ku farxi karnaa”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo hadalkiisa ku daray “Dadaalkani waa taariikhi, laakin intaan ka badan oo horumar ah ayaa inoo haray, kamana caajisidoono inaan ka miro dhalino hadafkeena ah guusha Soomaaliya”.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in hay’adaha kale iyo dalalka Soomaaliya deymaha ku leh inay ku dhawaaqaan go’anno la mid ah kuwan oo kale.

Barnaamijka wada hadalka deyn cafinta Soomaaliya ayaa socday saddexdii sanno ee la soo dhaafay, waxaana haatan uu marayaa heer go’aanno laga gaaro deyn cafinta Soomaaliya, taasi oo Soomaaliya u horseedeyso inay dib u hesho xiriirka dhaqaalaha caalamiga ah iyo maalgelin horseedo kobaca dhaqaalaha iyo yareynta faqriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here