Somalia: Shati bixinta barta ugu xiisaha badan baarista shidaalka xeebaha Afrika

Shidaalka soomaaliya

Wasaaradda Shidaalka iyo Macdanta ee Dowladda Federalka Soomaaliyeed waxay dhawaan soo saartay tilmaamo qeexaaya baarista iyo soo saarista shidaalka dalka (AP News 20/12/2019).

Aqoonyahanta Karyna Rodriguez oo ah ku xigeenka madaxa fulinta ee qaybta “Geosciences” ee shirkadda TGS, oo sahminta khayraadka Soomaaliya qayb ka ahayd, ayaa tiri: “Waxaan runtii aragnaa in dhammaan xeebaha Soomaaliya ay ceegaagto saliid”.

February 7da, 2019 Soomaaliya waxay magaalada London ku soo bandhigtay macluumaadkii ugu dambeyay ee sahminta “Juba-Lamu Basin, Coriole Basin, Obbia Basin.” Walow siyaasiyiinta mucaaradka ay dhaliileen qorshahaas, haddana shidaalka dhulka la baaray oo keliya ceegaaga waxaa lagu qiyaasay inuu dhan yahay 30 bilyan fuusto, kaas oo soo jiitay indhaha shirkadaha shidaalka ee caalamka.

Haddii aanu si kale u dhigno, taasi waxay la mid tahay 2.7 malyan oo barmiil maalintiiba ilaa soddon sano. Boqortooyada Carbeed waxay soo saartaa maalin waliba 10 malyan oo barmiil, halka Nigeria ay ka soo saarto 2.53 malyan oo barmiil maalintiiba.

Shirkada Sinclair Oil iyo Agip ayaa tan iyo 1956dii ka baarayay shidaal dhulka Soomaaliya. Walow ilaa maanta aan laga soo saarin saliid, haddana ilaa sideed aag ayaa laga helay astaamihii lagu yiqiin jiritaanka saliid “Jurassic hydrocarbon system” (Geoexpro – Vol. 13, No.2 – 2016).

Inta aysan dhicin Dowladdii Siyaad Barre, waxaa dalka fasax baaris shidaal iyo soo saaris ka haystay shirkadaha Royal Dutch Shell (Pecten), Italian ENI (Agip), French Total (ELF), Amoco (British Petroleum – BP), Conoco, Phillips iyo Chevron. Weliba afarta shirkadood ee Mareykanka ah waxay ka hawlgaleen saddex dalool hal meel (1/3) dhulka loo qoondeeyay baarista.

May 2019 Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu meel mariyay sharciga batroolka dalka oo ay June 2018 maamul-goboleedyada ku soo ansixiyeen shirkoodii Baydhabo.

Sharciga Batroolka Soomaaliyeed

Shirkadihii horey u heystay qandaraaska baarista iyo soo-saarista shidaalka dalka waxay ku dul fariisteen khayraadka dalka, ayagoo ku marmarsiinyooday qaddar Eebbe “force majeure”.

Taasi waxay dhalisay in dhammaan qandaraasyadii la bixiyay wixii ka horreeyay 1991, dib loogu noqdo. Shirkadaha Royal Dutch Shell iyo Exxon Mobil oo xiiseynaya khayraadka dalka ayaa ilaa hadda oggolaaday in dib loogu noqdo heshiiyadoodii hore, lana waafajiyo shuruudaha cusub ee sharciga batroolka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, waxaa la hadal hayaa, in Dowladda Federalka Soomaaliyeed ay shirka Houston ku soo bandhigi doonto wajigii koowaad ee bixinta shatiyada baarista 15 xirmo  ee ku wada yaal Badweynta Hindiya “Indian Ocean”.

Tan iyo bandhiggii macluumaadkii London, waxaa soo ifbaxaya “xog aad u badan” oo aan hore looga warqabin, taas oo qiimo u yeeleysa fursadda Soomaaliya sida ay sheegtay Aqoonyahan Karyna Rodriguez oo gacanta ku heysa soo uruurinta iyo kala shaandhaynta macluumaadkaas (Petroleum Economist – December 16, 2019).

Intaas waxaa dheer, in intii Soomaaliya ay ka maqnayd beesha adduunweynaha (dowladnimada), dunida horumar weyn ka gaartay tabaha soo saarista shidaalka, gaar ahaan teknologiyada ay adeegsadaan shirkadaha ka hawlgala aagagga shidaalka sida Schlumberger, Halliburton iyo Baker Hughes oo ku takhasusay soo saarista shidaalka  ugu badan ee suurtagalka ah.

War laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shirkadda Schlumberger oo hormuud u ah shirkadaha ka hawlgala aagga ay ku jirto saliid tayo sare leh ay daneyneyso Soomaaliya. Schlumberger ma aha shirkad shidaal, waxayse u adeegtaa shirkadaha waaweyn ee saliidda caalamiga ah.

Walow aan xaqiiqada lahayn, haddana Shirkadaha Royal Dutch Shell iyo Exxon Mobil ayaa loo badinayaa inay safka hore ee maalgashiga mustaqbalka khayraadka badda Soomaaliya ku jiraan. Waxaase la tuhunsan yahay in “Qatar Petroleum” oo shuraako kula ah shirkadda TOTAL baarista saliida Kenya iyo Namibia inay xodxodasho ku heeyso Soomaaliya.

Waxaa muuqata in Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta Cabdirashiid Maxamed Axmed uu shirarka caalamka kaga doodayo in dunida maalgashato ilaha aan hore loo arag ee saliidda badda Soomaaliya, haddana maanka maalgashatada safka hore waxaa ku taagan dhowr arrimood: (1) Burcad Badeedka; (2) Maqnaashaha Bankiga Dhexe; (3) Kaabayaasha Saldhigga ah oo iyagana maqan; (4) Dimuqraadiyadda Curdunka ah; iyo (5) Xasilloonida dalka oo aan la hubin.

Inkastoo soo saarista shidaalku uu leeyahay awood uu si weyn kor ugu qaado horumarka dhaqaalaha iyo xasilloonida, haddana waxay su’aal ka taagan tahay xeer la’aanta habka lagu xakameyn doono halista wasakhaynta deegaanka.

Sida la ogsoon yahay Soomaaliya ma laha sharciyo badbaadiya deegaanka, gaar ahaan badda iyo xeebaha oo saameyn daran oo halis ah ku leh nolosha jiilalka mustaqbilka, mana la filaayo Soomaaliya inay yeelato waqtiyadan dhaw. Sidaas daraaddeed waxaa lagama maarmaan ah in Dawladda ay adeegsato khubaro ku suga heshiisyada lala galaayo shirkadaha, qodobbo damaanad qaadaaya badbaadinta deegaanka. Intaas waxaa dheer in shacabku walwal ka qabo musuqmaasuqa dhaqanka u ah shidaal baarista iyo soo saarista Afrika.

Waxaa hubaal ah, in walaaca siyaasadda uu wiiqi karo awoodda iyo habsamiufulinta dowladda dhexe ee heshiisyada caalamiga ah iyo soo jiidashada maalgashiga tooska ah ee mashaariicda horumarinta halbowlaha ah. Haddaba, si looga badbaado shirqool meerta ah, waa in siyaasiyiinta aysan ka il-duufin muhiimadda ay siyaasad xasilloon u leedahay maalgashiga tooska ah ee dibedda (Foreign Direct Investment), gaar ahaan xilliga dib u soo kabashada.

W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim
Jamhuriyadda.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here