Somaliland: Aqbali mayno in dhoofinta xoolaha la hoos geeyo Soomaaliya, Sacuudiga ku wargeliyeen

yaasiin furedoon

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay xidhiidh la sameeyeen Boqortooyada Sucuudiga, oo ay kala hadleen go’aankii ay dhoofka Xoolaha Somaliland ka soo saartay.

Sacuudiga ayaa dhowaan soo saaray go’aan Somaliland ku qasbaya inay warqadda caafimaadka xoolaha kasoo qaadato dowladda Soomaaliya, taasi oo ka cadheysiisey xukuumadda Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in Somaliland aysan aqbali doonin inay hoos-tagto Soomaaliya, ayna arrintaas ku war-geliteen boqortooyada Sacuudiga.

“Inagu waxaynu nahay dal la yidhaahdo Somaliland, Soomaaliya la inama yidhaahdo, Soomaaliyana ma hoos tagno, sinabana u dhici mayso inaynu Soomaaliya u daba fadhiisano dhoofka Xoolaheena, Sucuudigana arintan waanu kala xidhiidhnay, oo waanu kala hadalnay, waxaana ku rajo weynahay inay ka noqon doonaan” ayuu yiri Faratoon.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku eedeeyey dawladda Soomaaliya aanay diyaar u ahayn wada hadallada Somaliland, isla markaana daacad ka ahayn inay labada dal isku garnaqsadaan.

“Somaliland waa u diyaar inay si toos ah u wada hadlaan Somaliya, balse Maamulka Somaliya diyaar uma ah daacadna kama ah inuu Somaliland si toos ah ula hadlo, oo wada hadalo toos ah wada galaan, anagu Somaliland ahaana waxaanu diyaar u nahay in qancino Soomaaliya, oo aanu la garnaqsano, balse Soomaaliya wey ka meermaraysaa” ayuu yiri Faratoon.

“Farmaajo midnimo aan ka soconayn ayey kaga dhegtay, garnaqsi iyo wada hadalna diyaar uma ah,  Caalamkuna toos ayuu u arkaa Somaliya, iyo sida aanay diyaarka ugu ahayn wada hadalada, Somaliland sida ugu dhakhsaha badan aqoonsigeeda wey u heli doonta, Caalamkuna si toos ah ayuu u ictiraafi doonaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here