Somaliland fursad kasta oo u banaanayd wey lumisay 1960 mid ka daran baa soo socota

Madaxweyne muuse biixi aftaag

Xoriyaddii Somaliland ma ahayn mid banaanbax iyo wax la mid ah ku timid ee Dhiig baa loo shubay, 26 Juun 1960 markii xoriyada la helay Beesha Dulbaante oo uu ku dacay culayskii dagaalkii gumaysiga ayaa soo jeedisay in midowga dhib loo dhigo oo wax hala kala qorto, laakiin Beesha Dhexe ayaa la qaban kari waayey waxayna soo saareem hal hayskii caanka noqday ee LAA YAA GARAAD, nasiib wanaag abaalkoodii waa heleen islamarkiiba oo 1961 ayey guuxa iyo gabayada bilaabeen, ilaa 1991 oo ah markii Soomaaliya burburtay.

26 Sano oo Soomaaliya aan dawladi ka jirin Isaaq baa Somaliland kilkiladda ku sitay, hadaad talo u soo jeediso oo tiraahdo war Soomaalida maantay itaal daran yihiina aan kala baxno kuuma ogolo, oo waxay kuugu jawaabayaan, yaan la hadalnaa horta Soomaaliyi ha soo midowdo, markaad ku celiso oo tiraahdo haday midoobaan oo xoog yeeshaan maba wada hadli karo, waxaa laguugu xejinayaa, way duusay, way daqaaqday, ilaah baa landta wata, gaalbaa wax inaga sheegay.

Caqli xumada waxaa sii dheer Cadaalad darada oo intay Beelihii kale buux dhaafisay iyagii iskula noqdeen oo isdulmiyeen waxaana beelo gaar ula baxeen JEEGAAN.

Maanta Soomaaliya waxay yeelatay Dawlad xoog leh oo kor u socota, Somaliland inay wadahadal la gashona ma ogola, waxayna aaminsan tahay in Somaliland tahay maamul aan beelaha degaa u dhamayn, waxayna Somaliland ugu qoran tahay Maamul Goboleedka ugu dambeeya ee ay la dagaalami doonto, dadkii Somaliland 28 sano lagu xumaynayeyna iyadoo qabiil ah ayey Soomaali ku biiri doonaan.

Nasiib daro waxaa muuqata in Siyaasiyiinta Beesha Isaaq ay mar labaad Somaliland god dheer ku ridi doonaan, oo laga xanaaqi doono Reer Waqooyi iyo Somaliland, waxaana xaqiiqa ah in taliyihii iyadoo Ciidamadii ka goosteen lacagta uun ka hadlayey aanay Somaliland ka badbaadinayn degaalka ku soo fool leh ee ilaa marka u dambeysa lacaglacag uun gurayo, mana soo muuqato wax rajo wanaag oo lga sugaa.

Waxaa Xusid mudan, hadaad hargeysa joogtid oo aadan Beesha Dexe ahayn weligaa waxa Somaliland ka khaldan lagula soo qaadi maayo, xitaa saaxiibadaa kaala sheekaysan maayaan, markay ku arkaan bay way dhaqaaqday ka bilaabayaan, taa macnaheedo waa waxba ma wada lihin ama cadowgayo ayaad tahaye ee xumaantayada ha goaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here