Somaliland oo ka hadashay kulankii Farmaajo iyo Muuse Biixi ee Addis-Ababa

yaasiin faratoon

Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay kulankii shalay Xafiiska Raysul Wasaaraha Itoobiya ku dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Somaliland ayaa sheegtay in kulankaasi uusan aheyn mid khuseeya wada-hadallada labada dhinac oo Sanadihii udambeeyay u muuqday kuwo lagu fashilmay in dib loo furo.

Wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland oo arrintaasi ka hadlayey ayaa ka dhawaajiyey in kulankaasi uu ahaa mid is-macasalaameeyn ah kaliya, maadama uu dhamaaday shirkii madaxda Midowga Afrika.

Wasiirka ayaa faah-faahin badan ka bixin waxyaabihii lagaga wada-hadlay Kulankaasi, wuxuuna yiri “Markii uu dhammaaday shirka madaxda midowga Africa, Madaxda ka qeybgashay oo dhan ayaa ismacasalaamaynayey, madaxweyne Farmaajona halkaas ayuu yimi, sidaas ayeyna ku kulmeen labada madaxweyne, warkuna intaas ayuu ku dhan yahay”.

Madaxweynaha Somaliland ayaa galabnimadii Axadii u dhoofay magaalada Addis Ababa, xili halkaasi ay ku sugnaayeen Madaxda midowga Afrika, oo ka mid yahay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulanka Muuse Biixi iyo Farmaajo ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa mid hore u qorsheysnaa, oo uu ka soo  shaqeeyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiy, inkasta oo aan la ogeyn waxa uu ka tari doona xiisada ka dhex aloosan Dowladda federaalka iyo Somaliland.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal kooban ku sheegtay kaliya in kulan uu dhacay, ugana mahad-celisay ra’iisul wasaaraha Itoobiya inuu soo agaasimay, mana biixin wax faah-faahin oo intaas dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here