Somaliland oo ka hor-timid mashruuca Baxnaano ee uu daah-furay Madaxweyne FARMAAJO

farmaajo daahfur baxnaano1

Somaliland ayaa siweyn uga  ka hortimid barnaamijka Baxnaano ee dhawaan uu magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka daahfuray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Dowladda Somaliland waxa ay ku war-gelineysaa Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Bankiga Adduunka, in barnaamijka maamulka Muqdisho ula magac baxay Baxnaano, kuna sheegay in qeybo ka mid ah uu ka fulinayo deegaano ka tirsan dhulka Somaliland, uu yahay faro gelin qaawan oo wax yeello ku ah amniga Somaliland, isla markaana uu yahay barnaamij lagu marin habaabinayo bulshada caalamka”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Somaliland.

Sidoo kale Somaliland ayaa qoraalkan ku sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya ay uga digeyso isku dayga ay ku faro gelineyso qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland, isla markaana ay ka waan towdo sheegashada Somaliland, sida lagu yiri qoraalka.

“Dowladda Somaliland waxa ay si gaar ah uga codsaneysaa Bankiga Adduunka in uu ka fiirsado deeqda lasiiyo maamulka ka dhisan Soomaaliya, kaas oo caadeystay in uu u adeegsado deeqaha iyo caawinaadda la siiyo dano gaar ah iyo kuwo siyaasadeed oo lagu khalkhal gelinayo amniga iyo xasilloonida Somaliland”ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii Somaliland ayaa si adag ugu digtay cid kasta oo ka qeyb qaadata isku day ay sheegtay in lagu fulinayo mashaariic ku xad gudbeysa madaxbanaanida Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here