SOMALILAND OO KU DHAWAAQDAY IN HESHIIS LAGA GAARAY COLAADDII JABHADDA COL. CAARRE

madaxweyne muuse2

Madaxtooyada Somaliland ayaa shaacisay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ergedii nabadaynta gobolka Sanaag, ay maanta is Af-garad buuxa ka gaareen soo af-jaridda colaaddii u dhexaysay jabhadda Caarre iyo xukuumadda Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, kulan dhexmaray madaxweyne Biixi iyo ergadii nabadaynta, ayaa la iskula qaatay in si degdeg ah loosoo af-meero arrinta ka taagan degaanka buuraleyda waqooyi ee gobolka Sanaag, islamarkaana wada-jir loo taageero nabadda iyo deggenaanshaha gobolka, waxaana madaxweynuhu aqbalay inuu cafiyo ciidamada ku sugan halkaas, islamarkaana la qarameeyo.

Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Cali Badda-cas, Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Chief caaqil Maxamuud Nuux, Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari, Sheekh Cawil Faatax iyo waayeel kale oo ka mid ah ergada nabadaynta, ayaa madaxweynaha la qaatay in dhammeeyo dhibaatadaas, waxana uu madaxweynuhu shaaca ka qaaday in xukuumadu diyaar u tahay adkaynta nabada iyo horumarka gobolka, isaga oo caddeeyey inaan cidina ka sarrayn shuruucda dalka u dejisan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guddida u sheegay in uu nabadda darteed diyaar u yahay inuu awooddiisa ku meelmariyo wax kasta oo arrintaas lagu soo afmeerayo,isagoo madasha kaga dhawaaqay inuu cafiyey dhammaanba ciidamada la socda Col. Siciid Cawil Caarre, balse wuxuu xusay in Cafis loo fidiyo Siciid Laftiisu u baahan yahay sharciyad la raaco, maadaama ciidamada iyo saraakiishoodu kala kiis yihiin.

“Ciidamadu waxa ay u kala qaybsan yihiin saraakiil iyo askar, waana kala kiis, innamada halkaas jooga sarkaalka sare mooyaane intooda kale dhammaantood wax allah wixii qaranku dembi u haystay waan ka saamaxay, sharcigaana ii oggol, laakiin gaashaanlaha sare ee hoggaaminaya waxaynnu u baahannahay inaad iisoo martaan sharci aan ku saamixi karo, qofku markuu xidhan yahay oo dembigii uu qaatay oo uu xabsi ku jiro oo laga fikiro qofkii dembigii wuu ka baxay Saamax iyo qofkii dalka ma joogo” ayuu yiri madaxweyna Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here