Somaliland oo ku dhowaaqday go’aan ka dhan ah shirkadaha Fly Dubai iyo Air Arabia

flydubai iyo airarabia

Xukuumadda Somaliland ayaa shirkadaha duullimaadyada ee Fly Dubia iyo Air Arabia ku amartay in aysan kasoo degi karin garoomada deegaanadeeda.

Somaliland ayaa diyaaradaha shirkadahaas ku eedeysay in ay u hoggaansameen amarkii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku joojisay duullimaadyadii caalamiga ahaa.

War qoraal ah oo kasoo baxay hey’adda madaarada Somaliland ayaa lagu sheegay in shirkadahaas lagu war gelinayo in aysan soo caga dhiga karin garoomada diyaaradaha Somaliland ilaa amar dambe.

Somaliland qoraalka ay kasoo saartay duullimaadyada shirkadahaas si cad uguma shaacin sababta ka dambeeysa, balse ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in xukuumaddu ku tuhuntay shirkadahan in ay u hoggaansameen amarkii dawladda Soomaaliya, kaas oo lagu hakiyey dhamaan duullimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray dalka, iyadoo markii dambena joojisay kuwii gudaha, si looga hor tago faafidda cudurka Coronavirus.

Labadaas shirkadood ee Fly Dubia iyo Air Arabia waxaa laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, waxuuna dalkaasi joojiyey dhamaan duullimaadyada  diyaaradaha rakaabka ah.

Waxaa xusid mudan in shirkadda Ethiopia Airline aysan joojin oo weli ka degto magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, halkaas oo ay keento rakaab kuwo kalena ay ka qaado, iyadoo inta badan isku socodkii dunida loo hakiyey cabsida sii kordheysa ee Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here