Somaliland oo shaacisay go’aan ay ka qaadatay DF

astaanta somaliland

 Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr Ciise Maxamuud Kayd ayaa shaacisay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay joojiso wada-hadalada kala dhaxeeya Soomaaliya.

Wasiirka ayaa dowlada federaalka ku eedeeyay inaysan daacad ka aheyn wada-hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, sidaas darteedna wixii hadda ka dambeeya aysan sii wadi doonin xukuumadda Hargeysa.

“Wada-hadaladu waxay soo bilaabmeen 2012-ka, ilaa hadana wax miro-dhal ah ma yeelan, shirarkii kala duwanaa ee waddamada kala duwan ka dhacay, waanu joojinaynaa wada-halada madaama oo qolada Soomaaliya aanay diyaar u ahayn in laga gun-gaadho” ayuu yidhi wasiir Kayd.

Waxa uu intaas kusii daray in dowladda federaalka Soomaaliya aysan u hayn aqoonsi, xilli dalalka caalamka ay ku cadaadinayaan Somaliland in qadiyadeeda madax-banaanida ka heshiiyan Soomaaliya.

“Wax aqoonsi ah oo dowlada Soomaaliya ay Jamhuuriyada Somaliland u haysa ma jirto, hadaba 30 sanno ayaanu madax-bannaanayn.”

Somaliland oo ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya ayaa illaa hadda helin aqoonsi, taasi oo loo aaneynayo inay ka dambeyso dowladda federaalka oo ayadu rabin in la kala gooyo dalka.

Si kastaba, Wada-hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo soo bilowday toban sano ka hor ayaa illaa hadda laga gaadhin horumar la taaban karo, ayada oo sanadihii dambena uu gebi ahaanba istaagay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here